Warlugeed: Shabaab majabay mise wuu burburay?
Kn:Naxwaha Af-Soomaaliga, erayada Jab iyo burbur way kala macno gadisanyihiin, wayna kala saamayn duwanyihiin.
Barre Hiiraale oo xabsi laga siidaayay
Kn: Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa la sheegey in xabsiga laga siidaayay kadib markii ciidamada Ethiopia uu u xirnaa dhowr bilood.
Warlugeed: Dhoobleey Alshabaab miyay u darsatay?
KN:Magaalada Dhoobleey waxay gacanta Xarakada Alshabaab ka baxday 3 April, 2011 halkaas oo duqaymo culus iyo dagaal lagu hoobtay kadib ay la wareegeen xoogagga is bahaysiga ee DKMG iyo Xarakada Kaambooni.
FIIDSOOH : Halable
Kn: Cumar Xamaami oo Al-Amriki ku magacdheer waa nin tintiisa ay garbaha ku jiifto, isaga oo kale Afsoomaaliga waxaa lagu yiraahdaa Halable, laakiin tintiisu ma ahan mid tidcan ama raamoraamo ah sida jabhadihii dalka ka kacay
Awdal State oo gooni uga goostay Somaliland
KN:Waxaa daafaha caalamka ka dhacay xaflado iyo damaashaad loogu dabaal dagayo maamul goboleed la baxay Awdal State, kaasi oo gooni isaga taagay dawladda gooni goosadka ee Somaliland.
Xaaladda Jubbooyinku Waa sidee?
Xaaladda Jubooyinka ayaa ah mid daggan oo aan lasoo sheegin wax baxsan diyaar garoow iyo Kuurgal labada dhinac ah iyadoo dhanka kalena roobabkii guga aad loo sugayo taasoo keeni kareysa hakad dagaal. Wararka aan ka heleyno Jubooyinka ayaa sheegaya
Xuuraan: Soomaalida K/Afrika dabka kalama qaadato
Kn: Kusoo dhawaada qormadii Xuuraan oo mudo idin moogeyd, waxaan qormadani tooshka ku qaban doonaa Soomaalida ku nool K/Afrika oo dhan iyo kuwa ku nool magaalo ka mid ah dalkani oo ah Rustenburg
Ku: Cida ay quseyo Jubbaland
Kn: “AFMADOOW” Kusoo dhawaada qeybtii sedexaad uguna dambeysey ee qormadii Ku: Cida ay quseyso, waxaan kusoo qaadayaa degmada Afmadoow ee Jubbada Hoose oo aan oga tusaalo qaadanayo gobolada Jubooyinka intiisa kale.
Warbixin: Shirkii Jubaland ee Nairobi (Sawiro)
Kn: Magaaalafa Nairobi Ee Caasimada wadanka kenya waxaa ka dhacay shir socoday maalmo shirkan oo ay ka qaybgaleen wasiirkii Hore ee Gaashaan dhiga Profer Maxamed Cabdi Gaandi, siyaasiyiin, Dhamaan Ururada Bulshada Deegaanada Jubbooyinka Culimo awdiinka, Golaha Guurtidada Jubbooyinka iyo Gado Madax dhaqameedyo Xildhibaanad Dawlada ku jira oo deegaanadaas ka soo jeeda iyo Maamuladii Deegaanadaas soo marey iyo kuwa hada loo Tabobarey Maamulka deegaanada Jubbooyinka iyo Gado
Dab (Dhab) haddii aynu niraahno ma afkaan ka gubanaynaa? (DHAMAAD)
Kn: “Gar labbo nin kama wada qosliso”, tani waa qeybtii ugu dambeysay ee qormooyinkii aan kaga hadlaynay sanad kadib dagaalkii Kismaayo, waxaan ka cudur daaranaynaa inaan soo daabici karin qormadii ciwaankeedu ahaa “Saldanadii Aji” iyo tii kaloo ahayd “Siyaloow, Hiilweyne mise Laanta Buulo” sababo la xariira xog buuxda oo aanan wali ka helin.
Raadaar: Madoobe “Nuunuu” Afka suubso
Onkod.net : Laga yaabee in aad iska hilmaamtey gefkii Xusseen Caydiid uu ka galay jiritaanka qaranka Soomaaliya kadib markii uu sheegey in la’isku furayo xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia, isla markaasina hal baasaboor la wada qaadanayo.
Xuuraan: Nabadda waa badeecatul caajis
Kn: Kasoo qaad in nabaddu iyo colaadu ay yihiin badeecad dukaan taala oo la iibinayo, keebaad iibsan lahayd haddii lagu kala dooransiiyo? Marka aad su’aashani ka jawaabayso ha kaashan damiirkaaga dadnimo ee kaasho qabkaaga Soomaalinimo, haddii markaasi ay jawaabtaadu noqoto “Nabadda ayaan iibsan lahaa”, kaama yeelin taas, beenbaadna ku sheegtey.
Waamo Johannesburg ka waliimeyso
Kn: Ma rabtaa raashiin, agaasin xafladeed aroos ama amuuro soo dhaweyn ah, maqaayada Waamo waxa ay diyaar kuula tahay in uu kuu qidmeyso waliimo kasta oo aad dhiganayso
Xuuraan: Rati macsaro dhalinaya
Kn: Miyaad garaneysaa rati macsar dhalinaya? Anigaba aqoon baddan uma lihi oo aan ka ahayn in gurigeenii xaafada Faanoole ee Kismaayo labadiisa hareer ay ku noolaayeen labbo rati oo macsaro dhalinjirey oo ay lahaayeen dad daris ah
Xuuraan: Koob Asayle
Kn: Kaliga Asayle ee Sablaale gobolka Shabeelada Hoose waxaa foorara si saf ah boqolaal rag Soomaaliyeed ah, waxaa dushooda ku dul socda askar Gumeysiga Talyaaniga iyagoo sidii buundo ugu dul talaabaya kaliga.
Tahniyad dhalasho farxad leh Catoosh
Dhamaan asxaabta, qaraabada iyo helada wariye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayaa halkan u marinaya tahniyad dhalasho farxad leh qoyska Catoosh oo uu ilmo u dhashay
Xuuraan: Su’aal uma qabo Admiral Maxamed Cumar Cusmaan
KN: Labbo saac oo aan xalay (habeenkii sabtida) fadhiyey kursi boqolaal Soomaali ah dhexdooda munaasabad uu hadal ka jeedinayay Admiral Maxamed Cumar Cusmaan, gudoomiyaha Jabhada ONLF ayaa iiga filnaa wax alaale wixii weeydiin ahaa een u qabay isaga iyo dhaqdhaqaaqa uu hogaamiyo.
Xuuraan: Wuu waalanyahay, Waan waalanahay
KN: “Wuu waalanyahay, waan waalanahay, jinuu qabaa, jiniyaan qabnaa”. Ereyadaasi waxay ahaayeen kumanaan qof oo reer Kismaayo ah oo maalintii labaad banaanbaxyo rabshado wata ka dhigayay magaalada sanadihii sideetameeyadii
Xuuraan: Suufiyada wan baa loo loogey
KN: ”Wadaada beerka xeerka leh weey cunaanee, illaahay maad ka yaabtaanood na siisaan”, run iyo been waxay tahayba waxaa la yiri koox wadaado ah oo suufiyadii dalka heysan jirrey ah ayaa usoo martiyey reer.
Maan Is dagaalno: Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo is Maaggan!
In badan ayaan kala warwareegney, marhore ayay ahayd inaan kala hadhnee iskeen siiya ballankeenuna waa Kii Roon reerka ha uhadho!. Hadallada ay labadan xisbi isku dhaafsanayaan warbaahinta ayaa u muuqda kuwa ay isku balansanayaan iney is dagaalaan goor aysan garandoonin taasoo dhibaato hor leh iyo barakac hor leh.
Dumi buushka, ka dhis daar fooq ah : Boosaaso
KN: Xeebta magaalada Boosaaso ee loo tamashlo tago boos uguma banaano buushashka ay ku noolyihiin dadka kasoo barokacay koonfurta dalka
“ii doori, Ha Ogaadeene”
KN: “ii doori ha ogaadeene” waa erey bixin cusub oo KismaayoNews ugu magac darayso barnaamijka seeylada kala iibsiga bini’aadamka ee ka dhaxeeya Somaliland iyo xukuumada xabashida
Xuuraan: $12 malyuun, maalin taajir (DKMG)
KN: Adigoo heli kara jiir, seedo maxaad ku falaysaa,waxay u egtahay in DKMG ah ay haatan ka maarmeyso ceelkii biyihiisa dhanaanka ahaayeen, waxay heshey ceel biyo macaan oo wadaantu meel soke biyaha kasoo dhufanayso.
Xuuraan: Ma carbaa tufis leh, ma caanaa cabis leh, “Shaamoow”
KN: Maxaad jeclaan lahayd in ay noqoto hadiyada lagugu abaalmariyo 6 sanno oo aad dalkaaga wax usoo baratay kadibna aad noqotey dhartar buuxa? , waa su’aal maalaa yacni ah marka laga qayaas qaato kuwii shalayto soo maleegey masiibadii ismiidaaminta ee Hotel Shaamow
DKMG oo xiratey dareeska ciidamada
KN: Waxay u muuqataa in mindiyo soofeysigii uu soo dhamaaday, haadaana loo diyaargaroobey in birta la’iska aslo, ugu dambeyntii Shariifka madaxweynaha DKMG ah ayaa xirtey dareeska ciidamada isagoo u xeydxeeydanaya duulaan culus oo uu ku qaado xoogaga muqaawamada.
Beeneey Waa Run: Maxaa ka jira in Sh. Xasan Turki uu Dhoobleey ku soo dhaweeyay Alshabaab?
KN:KismaayoNews ayaa soo xaab qaaday jiritaanka wararka saxaafadda qabsaday ee sheegaya in Aabihii Mujaahidiinta Sh. Xasan Turki uu soo dhaweeyay waliba ugu hilbo qalay ciidamada xarakadda Alshabaab magaalada Dhoobleey.
Xisbul Islaam, isbahaysi lugooyo ah
KN: Wuxuu ahaa isbahaysi 10 bilood ka hor lagu dhisey Jubbooyinka, cududa ugu xooga badneyd ee isbahaysigaasi tiirka u noqotey waxay ahayd xarada Raaskaambooniyiinta, hase yeeshee wuxuu ku noqdey isbahaysi lugooyo ah
Xuuraan: Faragoo iyo Fiigaa (Jubbaland 1988)
KN: Waxaan jecleystey in aan waxyar ka iftiimiyo dhacdooyin iyo taariikh saameyn weyn ku leh maskaxda reer Jubbaland.
Xukuumadeena Saangaman: Injineer Yariisow
KN: Wasiir ka tirsan DKMG ah ayaa markii ugu horeysey qirey in dowlada uu ka tirsanyahay tahay mid saangaman oo madaxdeedu ay dalxiil ka dhamaan la’yihiin
Khasaare ka dhashay dagaaladii maanta ka dhacay Jubbooyinka
KN:Ayadoo wali ayna jirin hubanti rasmi ah iyo xaqiiqo kama danbays ah ayaa hadan waxaa bahda KismaayoNews u suuro gashay inay xogo lagu kalsoonaan karo ka soo uruuriso dhinacyadii dirirtu dhex martay.
Xuuraan: Yaanbo Yaa Yiri
KN: Haddii aadan Talyaani noqon karin, ugu yaraan iska yeelyeel, weedhanani waa fahamka guud ee laga qaadan karro dhaqanka Soomaalida magaalooyinka kusoo dabadhamaanaya, ujeedka aan oraahdani ka leeyahay qoraalka ayaad ka fahmi doontaa ee marka hore ka dhoco dulucda Xuuraan
Xuuraan: Dhuffeysyada Xisbul Islaam ee Dhasheeg-Waamo iyo dhilmaanyada
KN: Miyaad garanaysaa gol iyo gandi?, ninka jooga dhasheeg iyo dhilmaanyo maxaa kala heysta? waxaa usii dheer roobab mir iyo maalin da’ ah oo aysan jirin meel looga dugaalo, boqolaal ciidamada Xisbul Islaam ah oo dhuffeysyo kaga jira deegaanka Dhasheeg Waamo ayay suurogal tahay in uu soo ritto cudurka malaariyada.
Xuuraan: Meeyey muwaadhiniintii miyirka la’aa (waalnaa) ee Kismaayo?
KN: Micnaha miyir qabku waa in maskaxda loo adeegsadaa si wanaagsan, haddii dadkii lagu sheegayay miyir qabka ee waliba dadka wax dheeraa ee kitaabka xambaarsanaa ay u dhaqmayaan si ka daran dadka waalan, waxaan jecleystey oo aan soo tabey muwaadhiniintii caanka ahayd ee Magaalada Kismaayo ee lagu yaqiiney miyir la’aanta waagii Bari samaadkii.
Kismaayo, Kista iyo Koosaarta duffanka leh (Faallo)
KN: Todobaadkan waxaa markii ugu horeysay kala cadaaday ujeedooyinka kooxaha muqaawamada ee Soomaaliya, layaab Malahan in Kismaayo ay noqotey halkii ka jawaabtey xujooyinkii horey u oognaa, kaliya waxaa dadka ka fajiciyey waa xiliga ay kusoo beegmeen arrimaha.
Maxaa keeney Ismaandhaafka Kismaayo, Yaase gardaran? (DHIRAANDHIRIN)
KN: Waxaa magaalada Kismaayo ka jira xiisaddii ugu adkeyd ee soo marta intii laga faramaroojiyey Bare Hiiraale. Waxaa maanta kala irdheysan lagana yaabaa inuu dagaal dhexmaro labadii xisbi ee walaalaha ahaa muddana is garabtaagnaa. Haddaba maxaa keeney dhibkan ayaase
REER AAKHARAAD
KN: Baabuurtii qaraxa geysatey waxay 3 kiilo mitir dhex socdeen kolonyo ciidamada Burundi iyagoo kasoo raacay kulyadii Jaale Siyaad, kadibna ku qarxay Xalane. sawirka waxaa ka muuqda taliyihii guud ee AMISOM iyo ku xigeenkiisii oo midka la dhaawac daran yahay midna la diley.
BAANIYAAL
KN: Xamar DKMG ah ayaa tabobar usoo gabogabeeysey wax ka yar hal guuto ciidamo ah oo lagu sheegey in ay noqonayaan kuwa badda, tiradoodu waa 500 kuwaasoo mudo bilooyin kooban ah tabobar la siinayay.
Muxuu Qoonsaday?
KN: Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim Macoow ayaa hogaanka si rasmi ah ugu gooyey amiirkiisa Shariif Sh. Axmed , hadaba waxaan weeydiineysaa “muxuu qoonsaday?”, ka bogo dhiraandhirint KN.
Cawro Geed!! Su'aal RAQIIS AH!
KN: Wuu salaamay, salaan gacanqaad ah, Shariifka madaxweynaha DKMG waxa uu jabiyey rikoorkii ugu dambeeyey oo si rasmi ah isaga siibey shaarkii Sheekhnimada, kullankii Shariifka iyo Hillary Clinton wuxuu ahaa mid soo jiitey indhaha saxaafadda
Lamo Lamo U Deey
KN: AMISOM waxay duqeynta u isticmaashay madaafiic mabnuuc ka ah aduunka kuwaasoo geysta qasaaro ka baaxad weyn kan caadi ahaan madaafiicdu geystaan, waxaa la sheegey in duqeymihii ugu dambeeyey ee xaafadaha ay dadka degenyihiin lala dhacay madaafiicdani mabnuuca ah
Nabbada baro-baraha leh ee Walad Cabdalla
KN: Nabad? Malaha waa nooc dugaaga ka mid ah oo diggaaga ka laaya xaafadaha, haddii aysan sidaasi ahayn waxaan u baahanahay in aan ka eegno qaamuusyada ay qoreen faraaciyiintii, sababtoo ah micnaha ereygani waa aan ka weeyney qaamuusyada hadda la ‘isticmaalo.
AMISOM oo jabisey Sharciga adduunka u yaalla ee Nabad illaalinta
Maanta waxaa dagaalada kasocdey magaalada cusub ku biirey ciidamada AMISOM oo lagu arkayay iyagoo si toos ah uga qaybqaatey dagaalka. Maxsuulka kasoo baxey dagaalkii maanta ha joogee waxaa markii ugu horeysey taariikha adduunka kusoo biirtey in ciidan nabad illaalin ah u dagaal weerar ah ka qaybgalo.......
ONLF , WSLF iyo Muqaawamada oo qeeybsanaya hubkii Maraykanka
KN: Fadeexad weyn ayaa ka taagan hubkii Maraykanku siiyey DKMG ah, fadeexadu waa mid dhinacyo badan taabanaysa mid kastana tan kale ay ka darantahay, ugu yaraan waa tusaale kale oo muujinaya sida Maraykanka uusan marnaba oga fiirsanin talaabooyinka uu u qaado dhanka Soomaaliya.
Eebe qabe iyo Aabe qabe
KN: Waa labbo nin oo Soomaaliyeed, waxaa laga yaabaa in wax badan ay isaga midyihiin, laakiin waxaa marqaati ma doonto ah farqiga weyn ee u dhaxeeya.
40 tan oo hub ah iyo 10 milyan oo doolar
KN: DKMG ah ayaa ku jirta dabaaldegii ugu weynaa todobaadkani kadib markii ay gacanta ku dhigtey lacagtii ugu badneyd oo cadaan iyo hubkii ugu badnaa.
Â