Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Cawro Geed!! Su'aal RAQIIS AH!

Published: 6 August 2009

KN: Wuu salaamay, salaan gacanqaad ah, Shariifka madaxweynaha DKMG waxa uu jabiyey rikoorkii ugu dambeeyey oo si rasmi ah isaga siibey shaarkii Sheekhnimada, kullankii Shariifka iyo Hillary Clinton wuxuu ahaa hilfaha u laabay sharaftii Shariifka, waa hadiiba uu inaba wax u laabnaayeen



Su'aal uu weeydiiyey wariye ajnabi ah ayaa ahayd "maxaad u salaantey haweeney kiristaan ah", wuxuuna ku jawaabay "waa su'aal raqiis ah",


Kullankii Shariifka iyo Hillary Clinton wuxuu ahaa mid yeeshey xiisihii ugu badnaa aduunka oo dhan, iyadoo wax ka kasta ay ka xiiso badnaayeen isgacanqaadka Shariifka iyo haweeneydani caariyaadka ah ee masiixiyada ah.


Waxaa dadka kasii yaabiyey waxay ahaayeen labiska Sheekha oo xirnaa Koofiyad, wuxuu inyar u jirsaday in uu hab siiyo, taasoo aanan la ogaan karin in uu siiyey iyo inkale intii ay qolka gaarka ah ku jireen


Sida la wada xasuusto mid ka mid ah asbaabihii dowlada reer galbeedka ay ku diideen dowladii Cabdiqaasim Salaad Xassan waxay ahayd habeenkii Carte lagu doortey in uu salaanta la garab maray haweeney safiir u ahay Maraykanka oo salaan usoo taagtay iyadoo aduunka oo dhan uu daawanayo. taageero badan ayuu Cabdiqaasim arrintaasi kaga heley shacabweynaha islaamka ah ee Soomaaliyeed iyo bwaliba dunida islaamka oo dhan


Dhacdadani waa muujintii ugu dambeeyesey ee Shariifka uu ku raali galiyo Maraykanka, isagoo waliba fariin qaldan u direy aduunka islaamka ah oo dhan taasoo ah in nimanka islaamka ahi ay qsalaan qacan qaadi karaan dumarka, waliba iyagoo leh darajo sheekhnimo. Laakiin markaad dhanka kale eegto dad masaakiin ah oo aanwaxba galabsan ayaa madaafiic habeen iyo dharaar lagu hoobiyaa Shariifkuna u arkaa in AMISOM ay ku saxan tahay. Marka Salaan Xaa Laga Sheegaa, Minii Shacabka Laxasuuqaayo! Waa Salaamaa Ma ahine, Xabadkaan Saaraa Saw xaalku ma ahan!


Kullanka waxa uu ku biloowdey kullan gaar ah oo fool ka fool ah oo ay si qaas ah u galeen Shariifka iyo Clinton, kadibna waxaa ay yimaadeen qol loogu talogalay shir jaraa'id oo ay kaga faaloodeen wixii ay ka wada hadleen, Hillary Clinton waxay sheegtey in ay isla garteen in la taageero DKMG ah, waxay intaasi ku dartay in ay labanlaabeyso kaalmadii gaar ahaan xagga ciidamada.


waxay sheegtey in 150 milyan oo doolar ay ku Maraykanka ku bixiyeen taageerada DKMG ah iyadoo loosoo mariyey ciidamada AMISOM, waxay eed culus dusha uga tuureen dowlada Eritrea oo ay ku sheegeen in ay caqabad ku tahay nabada Soomaaliya.


waxay si wada jir ah u cambaareeyeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo isbahaysigooda ay yihiin argagixiso, isla markaasina ay tahay in laga wada hortago. Hillary Clinton waa mas'uulkii ugu heerka sareeyey ee ebed la kulma madaxda Dowladihii isaga dambeeyey Soomaaliye ee kumeelgaarka ah laga soo bilaabi tii Cabsiqaasim Salaad Xassan


Dadka qaar waxay u arkaan in kullankani uu DKMG ah u keeney qasaaro lixaad leh halkii laga doonayay in uu ahaado mid kaalmeeya, sababto ah waxay ku sheegeen mid lumiyey kalsoonidiii ugu dambeeysey ee dadka ay u hayeen madaxnimada Shaarifka oo lagu taageersanaa kaalinta diinta. Waxay u muuqataa in salaantani gacan qaadka ah iyo kullanka uu ahaa mid istaraatiiji ah oo uu Maraykanku qorsheeyey si loo tijaabiyo daacadnimada hogaanka Shariifka ee Maraykanka ku wajahan, waxaa lasoo dirrey haweeney.


Shariifka waxaa wehliyey Shariif Sakiin, Maxamed Cali Ameriko, Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Casho Axmed Cabdalle


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Raadaar: Madoobe “Nuunuu” Afka suubso
  Xuuraan: Nabadda waa badeecatul caajis
  Waamo Johannesburg ka waliimeyso
  Xuuraan: Rati macsaro dhalinaya
  Xuuraan: Koob Asayle


Xayeesiis 25x250