Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
BAANIYAAL

Published: 8 September 2009
KN: Xamar DKMG ah ayaa tabobar usoo gabogabeeysey wax ka yar hal guuto ciidamo ah oo lagu sheegey in ay noqonayaan kuwa badda, tiradoodu waa 500 kuwaasoo mudo bilooyin kooban ah tabobar la siinayay.




Sida ay DKMG ah sheegtey waxay noqonayaan ciidamadii ugu horeeyey ee badda ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo burburkii, hase yeeshee waajibaadkooda koowaad iminka wuxuu noqonayaa la dagaalanka waxa loogu yereo burcad badeeda taasoo ah shaqo loogu qidmeeynayo dalal shisheeye.





Halkii waajibaadkooda koowaad uu noqon lahaa difaaca qeeyraadka baddeena gaar ahaan is hortaagista kalluumeysiga sharci darada ah ee badaheena, iyo waliba suntan lagu qubayo, ayaa si taasi ka badalan waxa ay ciidamadani ka shaqaynayaan la dagaalanka waxa loogu yeero burcad badeeda.





Maanka ku hay waa ciidanka badda ee dowlad leedahay ee aanan lahayn gaadiid bad, gaadiidka kaliya ee uu heli karana uu yahay midka ay leeyihiin ciidamada shisheeye ee dalka jooga, waa ciidan aanan lahayn waax sirdoon iyo waliba keyd diiwaan oo sir ah, wax kasta oo macluumaad ah oo ay helaana waa mid ay la wadaagayaan ciidamada shisheeye ee cadawga dalka ah ee xeebaheena fadhiya.





Admiral Faarax Qarre oo madax ka ah ciidamadani oo maalin sii horeysey saxaafada la hadlayay ayaa sheegey in mushaarkiisu uu yahay $30 doolar , taasoo micnaheedu yahay in askartana mushaarkeeda uu intaasi ka yaryahay.





Sida caadada u ah ciidan kasta oo DKMG ah dares u xirto, billo yar gudahood waxaa la filan karaa cabashooyin xaga mushaaraadka ah iyo waliba goosasho gilgisha ciidankani, waxaaba xittaa dadka qaarkood ay kasii fikirayaan in askartani loo tabobary xagga badda in ay iyaguba isu badali karaan burcad badeed xirfadoodu sarayso haddii meesha lagu kala tago maadaamaa ay taasi saansaanteeda muuqato.





Tabobarka ay qaateen waa 4 bilood kaliya, qalab iyo gaadiid waa inagaa soo sheegney, jawiga ay tahay in ay ku shaqeeyaan iyo cida ay tahay in ay la shaqeeyaan oo ah ciidamada cadawga iyo waliba hogaanka oo ah DKMG ah, marka waxaasi oo dhan la’isku darro ayaa ciidamadani waxa ay noqanayaan kuwa aanan ka badneyn askar u qidmeysa gumeysiga dalka kusoo duuley sidii askartii igiriiska uu kasoo qortey Hindiya ee loo yaqiiney “Baaniyaalka” astaantaasi oo ah mid ay la wadaagaan dhamaan ciidamada DKMG ah.







                                                                                                                         




KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Raadaar: Madoobe “Nuunuu” Afka suubso
  Xuuraan: Nabadda waa badeecatul caajis
  Waamo Johannesburg ka waliimeyso
  Xuuraan: Rati macsaro dhalinaya
  Xuuraan: Koob Asayle


Xayeesiis 25x250