Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
War taloow Colka Jooja!

Published: 29 September 2009
وبركاه
mahad ilaah baa leh mudnaan iyo ammaanna nebi muxammed baa mutaystay .

ugu horayn inta aanan hadal kale furin waxan maqaalkayga ama baaqayga ku furfurayaa geerarkan uu inooga tegay alla haw naxariisto,e salaan carrabey waana farriin aan u dirayo walaalaha mujaahidiinta ah (raaskaambooni iyo alshabaab) ee ku murmaya kismaayo .


Nin Caloolacad joogay
Oo Meygaag Ciiden war qaatay

Waa cibaaro qabaayoo
Belaayuu curufkeediyo
Camalkeeda yaqaane
Waar tolow, colka jooja!

Nin habeenno casheeyay
Cadar aan hadh lahayn
Iyo ceeryaamaysugu toosta
Oo inuu caafiyaddiisa
Cabbaar meel la fadhiisto
Caqligaanay gelayne
Waar tolow, colka jooja!

Carabkaan ku hadlaayona
Nin callenti caddaatiyo
Caamadaan garanayn oo
Kolkay caruuri dhintaane
Cutub weyni cidlaataa
Lays canaanan haddhowe
Waar tolow, colka jooja.

midhahan salaan wuxuu ku kala badbaadinayey laba jufo oo beeshiisa ka mid ah oo is dagaalay isla markaana is hor fadhiya oo isu soo biro tuntay ,waa midho ama waa geeraar mudan in maanta mujaahidiinta dhufayska isugu jira laga dhex tiriyo .

ka dib dagaallo laba sano iyo dheeraad socday himilooyinka shacabka somaliyeed waxay ahaayeen kuwo soo udgaya oo soo carfaya , guulaha inoo soo hoydayna waxay ahaayeen kuwo isdaba joog ah  ,jabka iyo halaaga cadawga islaamka ee isugu jira murtaddiinta iyo mulxidiintuna waxay ahaayeen kuwo maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaya , taageerada shacabku u hayaan mujaahidiinta xaq u dirirka ahina waa mid gaadhay heerkii u sarreeyey .
laba cisho kama soo wareegin markii uu towbad keenay ee si cad isugu soo dhiibay xaqa , alle ha hanuuniyo,e walaalkeen ibrahim xasan macow oo ahaa ragii shariifka fikraddiisii ku kadsoomay .
AMISOM waxay u ahayd todobaadkii halaaga iyo murugada waxa si naf hurriin nimo ah oo la yaableh loo khaarajiyey hogaamiyayaashii ugu sarraysay ee calooshood u shaqaystayaasha ,waxaana god galay intii ugu muhiimsanayd cadawga badheedhsan.

hadaba iyada oo arrini halkaa marayso mustaqbalka islaamiga ah ee somaliyana foolanayo oo la rajaynayo inuu midho macaan oo abidla ah dhalo ayaa waxa ayaamahan soo baxaya warar aan  farax gelinayn qof kasta oo muslim ah oo damiirkiisa islaamnimo noolyahay .
 shacabka iyo dhallinyarada cadaalada iyo horumarka u hiloobay ee iftiinsanayey nuurka yar e ka soo bidhiiqaya ama ka soo bidhaamaya gobollo badan oo wadanka ah waxa dhegahahooda ku soo noqnoqday todobaadkan warar murugo iyo yididiilo xumo xanbaarsan oo ay tebinayeen idaacadaha kala gedisan oo qaar kood sii buun buuninayeen si ay u dilaan macnawiyaatka dadka .wararkaasi waxay sheegayaan islaamiyyiintii oo isku haysta gacan ku haynta magaalada kismaayo .
kismaayo waa magaaladii ugu muhiimsanayd ee soo gasha gacanta mujaahidiinta wakhtigii haziimada ka dib ,waxaanay qayb lixaadleh ka soo qaadatay soo gacan gelintii magaalooyinka kale iyo gobolada kale iyada oo saldhig u noqotay mujaahidiinta maalkeedii iyo inamadeediina lagu xoreeyey goobo kale oo badan .
warka khilaafka kismaayo wuxuu noqday la yaab iyo filan waa ,warka khilaafka kismaayo cabsida ka soo korodhay waxa uu noqday fallaadh aad u xun oo hogaamiyaasha ku lugta leh khilaafkaasi ku ganeen taageerayaashooda iyo ansaartooda hiil iyo hooba la garab taagnayd waxa uu dhaawac weyn u geystay shacbiyaddii soo kobcaysay ee mujaahidiinta .
waxa la yaab iyo amakaaag noqotay nimankii sheegan jiray ee ku dhaaran jiray inay xaq u dirir yihiin oo ay allaah dartii u dagaalamayaan danna aanay ka lahayn adduunyo haba yaraatee ayaa isku haysta oo isku hor fadhiya lagana cabsi qabaa inay is dagaalaan iayaga dhexdoodu !
waxa taas ka sii daran waxay isku haystaan maamulka iyo ka faa,iidaysiga magaalo   leh deked ay ka soo baxdo qarashaad yar oo lacag iyo adduunyo ah ,.

arrintu sahaalo ayey ahayd intii afka iyo saxaafada laga murmayey balse waxay ceebi timi markii ciidamaddii allaah dartii ciidanka u ahaa ee qoriga u sitay inay shahaado qaataan ama cadawga islaamka ka guulaystaan oo wadanka oo dhan xoreeyaan laysu geliyey dhufays oo qoryihii looga baahnaa furimaha cadawga lagu jeediyey inamaddii difaaci lahaa ee is hortaagi lahaa AMXAARADA iyo AMISOMta inagu harayraysan.
hogaamiyeyaasha mujaahidiintu ama xisbi dheh ama alshabaab dheh labaduba markay qudbaynayaan ee weliba ciidamada u qudbaynayaan waxay u oran jireen oo soo qaadan jireen na addeexa oo na maqla inta aanu allaah addeecayno ee aanu xaqa ku toosanahay.
* hadaba maanta waa yaabe raga kismaayo ciidamada isugu urursanayoow ma xaqbaa in mujaahidiintu laba saddex nin oo isdhafoor taabanaysa  awgood u halaagsamaan ?
* alle ma qadaro,e haddii cabsida kismaayo dhabawdo oo xabada laysku rido inamada isku dhimanaya iyo shacabka qaxaya ee dhibtu gaadhayso saw idinku qaadi maysaan qiyaamaha ,mise kismaayo gaalo iyo amxaaro aanay dadka kale arkayn baa joogta ?
*qof muslim ah oo si badheedh ah loo dilo waxay ka qatar badan tahay adduunyada oo dhan oo la rogo markaa kitaabkii aad reer kismaayo ku xukamaysen ee somaliyada kelana aad u soo waddeen miyaanu idinka idin qabanayn ?

baaq ku socda hogaamiyeyaasha kismaayo ku murmaya

haddii aanu nahay shacabka somaliyeed ee nabada cadaalada , xoriyada iyo shareecada islaamkaba jecel , ee idinkala qayb qaatay halganka iminkana idin kula jira diyaarkana u ah inay naf iyo maalba idinla huraan kitaabka quraanka ahna u hogaansan ,waxaanu idiinku baaqaynaa oo idinka codsanaynaa in aad alle ka cabsataan oo aad u tudhaan shacabka kana joojisaan niyad jabka aad dadka ku abuuraysaan.

ogsoonaada in cadawgu idinka faa,iidaysanayo oo aad idinku isku wiiqmaysaan awoodiinuna fashilmayso sidii alleba sheegay haddii aydaan midnimo iyo walaaltinimo muunjin oo aydaan la iman waxdo oo murankiina iyo nizaaciinu bato , sdia maantaba dhacday ee xidig iyo kuwa la mid ka ahi dabka iyo gaasta idiinku sii shidayaan .

ogsoonaada haddii kismaayo ama meel la mid ah xabadi qush ka tidhaahdo oo aad isku riddaan allaah iyo umadiisuba kalsoonidii ay idiin qabeen in aad lumin doontaan if iyo aakhirana seegi dontaan (waa haddii aad dhiig islaam ama dhiig mujaahid xaq darro ku daadisaan ).

ugu danbayntii waxan idiinku baaqayaa oo idinka codsanaynaa in maslaxaddiina gaar ahaaneed aad ka hor marisaan maslaxada diinta , dalka iyo danta ummada dhibaataysan ee abaaraha iyo colaaduhu isugu darsameen.

waxan idin leeyahay ballantii aad anaga oo ah shacabka noogu ballan qaadeen ee ahayd in aad islaamnimo badhax la,  nagu xukumaysaan  way buraysaa waxaanad noqnaysaan kuwo khiyaameeyey  alle iyo umaddiisaba waa haddii aad  isu tanaasuliweydaan oo joojin weydaan kooxa kooxaysiga iyo tafaraaruqa .

ugu danbayn .dhallinyarada

dhallinyarada kismaayo maanta dhufaysyada isaga qodanaysa waxan leeyahay ama xusuusinayaa umaynaan qaadan qoriga in aynu hebel difaacno ama madax ka dhigno , umaynaan qaadan qoriga in alshabaab kor noqoto ama kaanbooni kor noqoto ama caanoole balse qoriga waxaynu u qaadanay alle dartii iyo لتكون كلمت الله هي العيا
.
waxad ogtihiin maanta cidi mushahar idin kuma siiso halganka aad ku jirtaan cidda aad ajri kaga sugaysaanna waa allaah,  kuwa maalin walba dhinta waa inaga haddaynu nahay dhallinyarada waxaynu u dhimannaa inaynu shahaado qaadanno ,amxaarada iyo amisom dagaalkeeda waxaynu u galnay inynu aakhiro nolol wacan gaadhno iyo manzilad sarraysa hadaba waxad ogaataan .
dagaalka kismaayo wallahay naarta ayaa lagu gelayaa ,waxa lagu mutausanayaa cadaab alle markaa  walaalayaaloow ka diida hogaamiyaashiina hadday idinku amraan dagaal waayo nasteexadiina iyo nasteexada umadda midna kuma jirto dagaal dhexdeenna ahi .

ugu danbayn waxan ku soo koobayaa kelmed aan kula dardaarmayo shabakadaha xaq u dirirka ah ee tebiya warraka xaqiiqada ku fadhiya ,waxan ka codsanayaa shabakadahaas inay ka shaqeeyaan midnimada mujaahdiinta oo ay dhex u ahaadaan ,waxan uga digayaa walaalahayga saxaafada qora ama saxafiyiinta wanaaga jecel hakala raacina walaladiina halgamaya marka ay is khilaafaan oo dhinac halla safanina ee ahaada dhexdhexaad si aad uga qayb qaadataan midnimada ummadda

waxan qaylo dhaanta ku soo koobayaa ilaa xorriyaddii lixdankii shacabku wuu cabaneyey oo waa kii timocadde lahaa

dawladahan laga qayliyee qaaq wax kaga siiyey
nin waliba marbuu qaadan jiray qanso iyo leebe
qorfo iyo marbuu seexan jiray qalanqal hoostiiye

hayeeshee quluub wada jirtaa qaniya sheekhoowe
qalalaase meel lagu qubiyo qaylo iyo oohin
qorraxdii dhacdaba teenu way kala qaxaysaaye

nin qalbi la, quraan ka ku akhriyey qaaf dhe ku harraadye
kutubtaa sidii lagu qarridhay qiil la' aakhiro,e
qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkii

hogaamiyaasha kismaayo ku murmayoow ha noqonina qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiise .

وسبحانك الهم وبحمدك استغفرك وأتوب إليك


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Caqliga iyo caadifadda
  Waddada Walaalnimada iyo Midnimada
  ERGO GUUR
  Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad
  Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad


Xayeesiis 25x250