Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Halkani waa Raadiyoow Muqdishoow

Published: 24 October 2009

KN: DKMG ah ayaa xariga ka jartay markii ugu horeysey idaacad afkeeda ku hadasha, iyadoo dib loo howlgaliyey idaacadii qaranka ee hore ee Raadiyoow Muqdishoow



Munaasabad lagu qabtay wasaarada warfaafinta ayaa xariga looga jaray idaacada, iyadoo ay meesha hadalo ka jeediyeen Daahir Maxamuud Geele oo ku magacabaan wasiirka warfaafinta, Cabdiraxmaan Xaaji Aadn Ibbi oo ku magacaaban Ra’isulwasaare ku xigeen ahna wasiirka kaluumeysiga.


Idaacadu maalmahaanba hawada waa ku jirtey laakiin maanta ayaa loo qabtay munaasabad xariga looga jarayo, waxayna


Waxay idaacada ku howlgalaysaa halkii ay ahaan jirtey idaacadii qaranka eek u dhaganayd Villa Soomaaliya, laakiin qalabka war laliska ah ee ay ku howlgalayso ayaanan la ogeyn halka laga keeney maadaamaa qalabkii horey u yiiley uu ahaa idaacada FM ah oo aad daciif u ah oo xitaa aanan laga dhagaysan karin meelo ka mid ah magaalada.


Burburkii kadib idaacada waxaa gacanta ku hayay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, oo markii dambe uu kala wareegey wiilkiisa Xusseen Caydiid, waxaana loo bixiyey Idaacada Codka Shacabka, waxayna wax ku baahin jirtey moowjada FM ka ee tiirada gaaban sida aan soo sheegney.


Dhismaha idaacada oo ahaa mid aad u baaxad weyn, tayadiisuna wanaagsanayd burbur badan muusan soo gaarin, kaliyana wuxuu u baahanyahay dayactir, sidoo kale idaacada dhankeega xiga Taalada Sayidka waxaa ku yaala wali leerkii bikaacinayay ee maraakiibta lagu hagayay kaasoo aanan shaqaynin.



Wallow intii badneyd keydkii idaacada ay wali bad qabaan, hadana waxaa burburey warlaliskii tiirada dheeraa ee dalka oo dhan gaarayay taasina waxay ka dambeysey kadib markii dayuucad AC130 oo Maraykanka leeyahay ay duqeysay sanadii 1993 dii, duqeyntaasi waxaa ku burburey keydkii laanta Afka Sawaaxiliga oo idaacada ay wax ku tabin jirtey.



Keydka cajaladaha idaacada oo ah taariikh qaran oo qiimo weyn ku fadhida ayaa laakiin sii jiritaankooda uu halis gali karaa mustaqbalka dhow maadaamaa cajaladaha ay yihiin kuwa casrigooda laga soo gudbey oo ah nooca suxuunta wareegta kuwaasoo waliba mirrey muddo dheerna aan wax dayactir helin, haddii aanan si dhaqsi ah keydkaasi loogu rogin nooca Digital-ka loo yaqaano ama nooca casriga ah waxay raacayaan qarankii burburey oo ay iyaga kaliya ka harsanaayeen.


Lama oga in qalabka idaacada la rakibey ay tahay tii dhawaan ciidamada AMISOM ay sheegeen in ay Xamar ka taaganayaan, laakiin waxaa ka warheynaa in idaacad tiiro dheer oo tayo wanaagsan lagu soo iibiyey lacag badan taasoo muran uu ka taagnaa sida laga yeelayo, ogaanteen waxay tiiley Nairobi, waxaan la’isku heystey in loo bixiyo Radio AMISOM ama Radio Codka Nabada iyo waliba halka la geeynayo oo la’isku heystey Xamar mise Nairobi.


Lama oga in idaacadu ay taasi tahay iyo inkale


Faahfaahinta idaacadan ku saabsan kala soco KismaayoNews dhawaan


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Caqliga iyo caadifadda
  Waddada Walaalnimada iyo Midnimada
  ERGO GUUR
  Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad
  Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad


Xayeesiis 25x250