KN: Halgamaa, halyeey, hogaamiye geesi ah , horsocod iyo haldhaa waa magacyada uu isugu yeero Jeneraal Cabdi Cawaale Qeybdiid marka uu la hadlayo taageerayaashii ka maarmi la’ waxqabadkiisa ee banaanbaxyada u dhigaya.

Taalo uga taaga Xamar
Markii la maleegayay masiibadii Shaamow ee galaafatay shaqsigii ugu qiimaha badnaa bulshada Prof. Cadoow, Cadbi Qeybdiid oo uu saarnaa xilka amaanka qaranka, waxa uu ku mashquulsanaa abaabulka mudaaharaad caruur iyo dumar xaafadahooda laga soo kiciyey in ay qeeyladooda “dooni Meeyno” ah ay bal shariifka ku qancin karaan in uu xilka sii hayo.
Maxaa ka haboon in taalo looga barbartaago tii Xaawo Taako ninka halkii uu amaanka qaranka sugi lahaa ku mashquulsan abaabulka mudaaharaad looga soo horjeedo xil ka qaadistiisa
Dadka ka mudaaharaaday xil ka qaadistiisa maadaamaa haatan codkooda la dhagaysan waayay, oo xilkii laga qaaday waxaa haboon in ay taalo u taagaan si ay u xasuustaan wax qabadka ay kaga maarmi la’yihiin ee uu dadka Xamar ku dhaqan u qabtay.
Kaliye ma ahayn taliyaha Police-ka, ee sidoo kale wuxuu ahaa waxkasta, wuxuu saxaafada ka yaabiyey markii uu xilkii ka qaaday maareeyihii isbitaal Madiina isagoo leh “wuxuu ahaa xidigle ciidanka Police-ka ka tirsan”.
Wuxuuse fajicisadii ugu darneyd dhigey markii uu weeraray isbitaal Martiine oo ay degenyihiin naafada xooga dalka oo uu damcay in uu ka saaro naafada, xaruna ka dhigto maadaamaa ay aad ugu dhowdahay dekeda oo uu daqli kasoo galo iyo xarumaha AMISOM si uu gabaad uga deydo.
Wuxuu kaloo ahaa maamulaha Dekeda, minishiibiyada canshuurta aruurisa, gudoomiyaha gobolka Banaadir, maareeyaha Garoonka, iyo waliba madaxa ciidamada illaalada madaxda dowlada, xittaa waxaa ka fakan waayay Cumar Cabdirashiid oo dhowr jeer ay isku dhaceen ciidamo uu Qeybdiid leeyahay iyo illaladiisa oo joogtey guriga uu Xamar ka degenyahay oo ah gurigii Maslax Maxamed Siyaad Barre.
Dowlad dowlad ka dhex jirta
Qeybdiid wuxuu ahaa dowlad dowlad kale ka dhex shaqaysa oo gaarkeeda ah, wuxuu lahaa ciidamadiisa u gaarka ah oo waloow ay xirnaayeen dareeska Police-ka hadane si kasta kaga duwanayaa kuwa kale, mushaarkooda wuxuu ahaa mid si gaar ah loo siiyo oo aanan xitaa ka dib dhicin, ma ahayn kuwa ku dhex milma ciidanka kale, marka uu isaga dalka ka maqanyahay waxay lahaayeen taliye u gaar ah, hubkooda iyo saanadooda ciidan waxay ahayd mid gaar ah, xarooyinkooda la mid.
waxay ku lug lahaayeen dhamaan isku dhacyadii badnaa ee dhexmari jirrey ciidamada DKMG ah ka wada tirsan, waa ciidamo meel kasta iska jiira oo aan cidna u taxreebin, markastana waxay isku dhici jireen kuwa Militariga iyo illaalada wasiirada qaar.
Ciidamada Qeybdiid waxay lahaayeen awoodo gaar ah oo xitaa ay ka mid tahay in dacwooyinka ama arrimaha ay iyaga gacanta ku hayaan aanan loo gudbin xafiis kale oo dowladeed, waxay lahaayeen sirdoonkooda gaarka ah, waxaa jirtey in xitaa meelaha ay ka war helaan in weeraro lagu soo qaadayo ay habeen ka hor meel kale ugu sii guuri jireen, isagana dhexbixi jireen ciidamada dowlada iyo kuwa muqaawamada ee soo duuley, dagaalada ay ka qeyb galaana aad ayay u yaraayeen.
Taliyaha aan dhicin
Qeybdiid wuxuu ahaa taliyaha aan dhicin illaa 1997 dii markii lasoo saxiixay heshiiskii Qaahira, dowladii Cali Mahdi iyo Xusseen Caydiid ay Qaahiro kusoo dhiseen, Cabdi Qeybdiid ayay ka dhigteen taliyaha ciidanka Police-ka, xiligaasi sidii u fahmay faa’iidada ugu jirta xilkani waligiis oo dambe xitaa lagama maqlin xil wasiirnimo wuxuuna ku gorgortami jirey xilkani.
Markii Cabdi Qaasim lasoo dhisey dowladiisii isagaa markale laga dhigey taliyaha ciidanka Police-ka, halkaasi ayayna faa’iidadii ugu badneyd kasoo gaartay, wuxuu ka heley ciidan fiican, hub, iyo tikniko taasoo uu ka dhaxlay dowladii Cabdiqaasim isagoo ku magacaaban taliyaha ciidanka Police-ka
Isagoo godkiisa sidii libaax wax ugu sugaya ayaa waxaa dalaq soo yiri Maraykanka oo dayuurado lacag kusoo daabuley sanadkii 2005 tii, garoonkii dhoofinta muqaadaraadka iyo ka ganacsiga hubka sharci darada ah ee uu Maxamed Qanyare heystey ee Dayniile meel aan ka fogeyn ayaa shir lagu qabtay hogaamiye kooxeedyadii oo dhan oo lagu soo daray kuwa cusub, wallow Qeybdiid diiwaanka magacyada hogaamiye kooxeedyada kaga jirey meel hoose hadane waxaan marnaba la inkiri karin in uu ahaa nambarka koowaad, sababtoo ah waa nin ku dheereeya falfasada in hoos wax laga maleego oo aanan lasoo shaacbixin.
Xaruntiisa waxay ahayd Villa Baydhabo isagoo kor ka illaashanaya Isbitaal Madiina oo uu saami xoog leh ku lahaa, (Villa Baydhabo waxay ku taala kasoo horjeedka Isbitaal madiina marka dhanka Soobe loo dhaqaaqo), Markii uu qarxay dagaalkii kacdoonka shacabka iyo isbahaysigii Sheeydaanka ee uu xubinta ka ahaa, layaab ma lahayn in Qeybdiid uu ahaa hogaamiye kooxeedkii ugu dambeeyey ee Xamar laga saaray, waxaa la sheegaa in Males Zanawi uu xoog kaga soo saaray furunta dagaalka isagoo xabada ridaya inta uu dad u direy laga soo jiidey oo gaari illaa Baydhabo lagu keeney isagoo cagaha ka holcay.
Dowladii Baydhabo fadidey ee Cabdullaahi Yuusuf ayuu kula gorgortamay in loo dhiibo xilka Taliyaha Police-ka oo uu markaasi hayay Cali Madoobe oo ah ninka shalayto dib loogu dhiibey xilkani, Cali Madoobe waxaa lagu qanciyey xil safiirnimo dalka Tanzania isla xilkaasi ayaa haatan lagu sabaansabayaan Qeybdiid, wallow aanan la hubin dalka la geyn doono.
Xasuusta aan harin ee xasuuqii Dahablaha
Sanadii 1996 dii Xamar waxaa ka dhacay wax aanan waligeed la hilmaami doonin jiil kasta oo Soomaliyeed oo soo socda, Cabdiqeybdiid ayaa xasuustaasi tiir dhexaad u ah, wuxuu ahaa ninka soo gamay madfacii geystey xasuuqii ugu foosha xumaa, illaa 90 haween ayaa jirkooda kaliya laga heley gacmahooda oo dahabkii ay iibinayeen uu ka raaraco, jirka intiisa kalana waxaa cadcad u jaray mahfacii uu soo gamay Qeybdiid, haweenkani waxay dahab ku iibinayeen suuqa Dahablaha ee Bakaaraha.
Markii dalka Sweden uu la tagay sanadii 2005 tii Shariif Sakiin ee la xirey, waxaa soo deyntiisa u guntaday dadkii ugu badnaa oo ay qaaday caadifad qabiil, waana lasoo siidaayay markiiba, waxay dacwadaasi ka mid ahayd dacwooyin badan oo wadamo dibada ah looga furey rag uu Qeybdiid ka mid yahay, laakiin haatan isagoo safiir ah ayuu ku wajahanyahay dalalka dibada mid ka mid ah, kuwii dacwada ku oogeyna waa in ay candhuufdooda dib u liqaan ugu yaraan hadda, sababtoo ah wax ay ka qaadayaan ayaa iska yar nin safiir ah.
Kuwa hadda u mudaaharaadaya xil ka qaadistiisa tolloow maxay samayn doonaan marka maxkamada loosoo taago gabood faladii uu geystey oo ay noqoto in loo ciqaabo?
Talaabo dhanka wanaagsan loo qaaday
Xil ka qaadista Cabdi Qeybdiid waxaa loo arkay talaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, wallow aysan micno badan samayn doonin haddii aanan laga fiirsan cidda lagu badalay oo aan laftiisa lahayn diiwaan taariikh wanaagsan intii uu safiirka ka ahaa Tanzania.
Waxa micnaha samaynaya kaliya ma ahan xil ka qaadistiisa, waxaa muhiimad weyn leh sidoo kale in Xamar oo dhan laga dirro, Qeybdiid wuxuu ahaa atooraha jilayay filim kasta oo Xamar laga dhigey 20kii sanno ee uu dalka burbursanaa, mana filayo in uu jirey hal filim oo wanaagsan oo xamar lagu jilley, haatan haddii filimka atooraha laga dillo waxaa jirta rajada ah in uu halkaasi ku joogsanaya, taasina waa waxa ay ku qotonto wanaaga caasimada.
Waxaa xusid mudan in uu ka dambeeyey hogaamiye kooxeedyadii dalka afduubka ku heystey labaatan sanno, wallow ay badankooda fadhiyaan baarlamaanka hadane ma jirto wax xil muhiim ah oo fulin ah ka haya xukuumada Shariifka marka laga reebo Xaabsade iyo Indhocadde
FG: Faaladani waxaa diyaariyey bahda KismaayoNews kadib xil ka qaadistii Cabdi Qeybdiid
| LA XIRIIRA |
| Caqliga iyo caadifadda |
| Waddada Walaalnimada iyo Midnimada |
| ERGO GUUR |
| Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad |
| Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad |