Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Xuuraan: Candhuuftaada dib u liq, weey ku anfacaysaaye

Published: 20 December 2009
KN: Bal eeg oo u fiirso, meel kasta oo aad dalka ka joogto muwaadhiniinta  jooga (K/Afrika) ee dariiqyada maraya ama jooga goobahooda ganacsiga ka dhex fiiri qof candhuuf tufaya (baj) oo misane dariiqa ku tufaya. waxaan hubaa in aadan arkaynin.


Bal imoow xaafadaha ay Soomaalida ku badantahay, 5 ta qof ee kaa hor timaada ugu yaraan mid ayaa candhuuf tufaya mise weey wada tufayaan. laakiin sabab?


Waxaa laga yaabaa intiina qormadani aqrineysa in ay ka xanaaqaan oo ay yiraahdaan ”goormee ayay candhuuf tufistu dambi noqotey?”, anigu ma oran waa dambi, laakiin waxaan ku tusaaleynayaa kala duwanaanshaha dabeecadani ee u dhaxeeysa dadka dalka u dhashay iyo Soomaalida iyo waliba saameyta xun ee ay leedahay haddii aanan laga fiidhoonaan.


Tusaale ahaan si ku talogal ah candhuuf ugu hor tuf dad badan oo muwaadhiniin ah oo dariiq maraya, kadibna u fiirso sida ay isu badasho shucuurtooda, marka ay ugu yartahay si kulul ayay kuula hadlayaan ama wajiba ayay karaahiyo kaaga muujinayaan, waxayna kaa fahmayaan fikir qaldan oo ah in qofka Soomaaliga ah uusan ahayn qof nadaafada ku fiican.


Nin askari biliis ah oo gaari ku jooga ayaa arkay nin Soomaali ah oo candhuuf weyn (dho') ku tufaya meel dariiq ah, gaarigii xooga ku socdey ayuu fariinka qabtey kadibna daaqada madaxa kala soo baxay, wuxuu ku yiri ninkii Soomaaliga ahaa “waryaa maxaad samaynaysaa?”, ninkii Soomaaliga ahaa ayaa si xushmad daro ah ula hadlay askarigii isagoo is difaacaya, askarigii wuxuu damcay in uu gaariga kasoo dego oo uu qadaadka kusoo dhego ninkanin kibran, hadane wuxuu is xasuusiyey in uusan ku heynin dambi lagu xiri karo, meesha uu taaganyahayna waxay ahayd meel dariiq xun oo laabad ah, inta uu farta ku gilgiley ayuu ku yiri “weena” oo micnaheedu tahay “hoy”.


Kii Soomaaliga ahaa ayaa galay dukaan uu hortaagnaa isagoo leh “war askartan xun, kibir ayaa ka batay, candhuuf xitaa lagama tufi karo, war wax uu iga qaadayo ma leh”. intaasi tusaale kuu filan.


Ma ogtahay dacaayada laga fidiyey Soomaalida ee igu kaliftey in aan qormadani qoro?, ma ogaan kartaan sababtoo ah maba tagtaan shirarka loo qabto dadka deegaanka ah ee looga wadahadlo arrimaha amaanka iyo caafimaadka ama danta guud xittaa haddii la’idinku casuumo, sababtoo ah waad mashquulsantihiin, dantiinana uma aragtaan.


Waxaa la yiri Soomaalida waxay kaalin mug leh ka ciyaartaa faafinta cudurka qaaxada (TB), waxaa laga yaabaa in aad ku qososho arrintaasi, laakiin waa wax loo qaateen ah waayo qaaxada waxaa laga qaadaa candhuufta, adiga candhuufta ayaad dariiqa ku tufeysaa, kadibna dabeeshaa qaadaysa, afkana u galaysaa qof kasta. Arrinta ku saabsan in Soomaalidu qaaxo qabto iyo inkale waa dood kale oo dabcan aan ahayn waxa aad adigu iska aaminsantahay


Hayeh, hadda ma dareentey muhiimada ay leedahay in aadan candhuuf dariiqa ku tufin?


Waxaan filayaa in faham dari ka jirto waxa ay tahay candhuufta taasoo aan filayo in ay keentey in marka horaba la tufo, candhuufta waa dhacaankaaga ee ma ahan qashin-saar, kaliya ma ahan dhacaankaagee waa dhiigaaga oo midibkiisu cadyahay, sida jirkaaga kale uusan dhiig la’aan u shaqayn karin ayuu afka, halcunka iyo calooshaba aysan candhuuf la’aan u shaqayn karin, nidaamka dheefshiidkaaga oo dhan wuxuu ku shaqeeyaa candhuufta, sidaasi darteed waxaad tahay qof dhiigiisa tufaya laakiin isma ogid.


Warku isma saarna, marka aan candhuuf ka hadlayo laguma qaldi karo xaaqada oo iyadu ah qashin-saar, qashin-saarku waa saxarada, kaadida, dhididka, xaaqada, diifka iyo malaxda.


Hadaba haddii la yiri candhuuftii yaan la tufin oo hala liqo, "xaaqadana sideey yeelaa Saxansoxoow, miyaan liqnaa iyadana?",, waa su’aal xiiso leh oo ka filayo dadka, inta aan isaga jawaabin weeydiintaasi aan su’aal kale raaciyee, waa kii aan iri dadka dalka u dhashay waxbo ma tufaane, xaaqada miyey liqaan ooy quutaan?.


Maya ma liqaan ee weey tufaan, adiguna liqi meeysidee waad tufeysaa, dadka waxay wataan intooda badan maro yar  oo safaleeti ah ama xaashida qafiifka ah taasi ayay ku tufaan, kii aan heeysanina wuxuu la raadsadaa haamaha qashinka isagoo gaardeymoonaya.


Qormadani iyo kuwayoow kale oo aan qori doono, sinaba looguma arki karo in aan ku faagfaagayo ceebaha Soomaalida, runtii waa sidaasi rogeeda oo waxaan doonayaa in aan ku daboolo ceebaheena (Illaahay ceebaheena ha asturo)


Qore: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com 


FG: Xuquuqda qoraalkani waxaa leh wargeyska Xog-Maal ee K/Afrika kasoo baxa, wuxuuna kusoo baxay cadadkii 19 aad ee Xog-Maal


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Caqliga iyo caadifadda
  Waddada Walaalnimada iyo Midnimada
  ERGO GUUR
  Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad
  Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad


Xayeesiis 25x250