Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Bayaan ay soo saareen Culimada Soomaaliyeed ee Birmingham (U.K )

Published: 16 February 2009

Bayaan ay soo saareen Culimada Soomaaliyeed ee Birmingham (U.K )


11 Sheekh ayaa ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa bayaan ay soo saareen ku soo jeedinaya talooyin muhiim ah oo la xiriira xaalada dalka Soomaaliya uu ku jiro haatan. Baayaanku sidan ayuu u qornaa:-


Baaq Nabadeed talo soo jeedin


Annagoo ah Culumada Magaalada Birmingham ee Dalka Ingriiska waxaan ku baaqaynaa:


1.      In la ilaaliyo danaha Ummadda oo ay ugu horrayso Diintooda, Naftooda iyo Maalkooda, lana xasuusto in Aakhiro lays weydiin doono.


2.      In  la dhaqan geliyo Shareecada Islaamka oo ah waxaan geli karin gorgortan Siyaasadeed ahna xalka keliya ee Ummadda Soomaaliyeed Adduun iyo Aakhiroba ku liibaanayaan.


3.      In laga fogaado gaaleysiinta Qofka Muslimka ah iyadoo aan loo hayn wax cad oo uu ku gaaloobay.


4.      In lagu eego il naxariiseed dhibka Bulshada Soomaaliyeed soo gaaray 18 kii Sano ee Dowlad la`aanta iyo Gumaysigu isugu darsamay.


5.      In aan la illoobin walaaltinnimada Islaamka,  wax walbana wada hadal lagu dhammaysto oo aan Cadowga lasiin fursad u suuragelineysa inuu kala dhexgalo Dadkii soo wada halgamay.


6.      in dhiigga Muslimku noqdo mid dhowrsoon oo aan qofna ku xadgudbi  karin, lana ilaaliyo dhiigga Shacabka Muslimka ah.


7.      In laga shaqeeyo sidii Ciidamada shisheeye Dalka looga saari lahaa, kuwa kalena aanay ku imaan lahayn.


8.      In wixii Diin ah looga dambeeyo Culumada aqoonta dheer u leh Diinta,  laguna taageero.


9.      In dhammaan Dadka Ahlu-diinka ah ilaaliyaan sharaftooda iyo karaamadooda,  lana imaan waxaan laga filaneyn sida isku dhac iyo is dacaayadeyn.


10.     Waxaan sidoo kale ku talinaynaa in loo dhega nuglaado lana tixgeliyo Codka Culimada is xilsaaray  oo u isu taagay dhexdhexaadinta,  dadaalkana ugu jira sidii xal loo heli lahaa.


11.     In dhammaan Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Warbaahinta sida Idaacadaha, Websaytyada iwm,   ka fogaadaan wax kasta oo hurin kara colaad.


Waxaa ku sixiixan Bayaankan: 



  1. Sh.Mohamed Shaafici,

  2. Sh. Abdirahiim Cabdullahi (Abucayneyn),

  3. Sh. Mohamed Adam Osman,

  4. Sh. Mohamed Dahir Roble,

  5. Sh. Xaamid Cabdullaahi,

  6. Sh.Osman Ali Farah

  7. Sh.Mohamed Abdikariim

  8. Sh. Mohamed Xaashi

  9. Sh. Shucayb Xaaji Nuur

  10. Sh. Cabdiraxiim Yuusuf

  11. Cabdulqaadir Mohamed Mohamud


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Baaq ka Yimid Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Degan Malaysia
  Bayaan: Maamulka Islaamiga ee Kismaayo oo u digay Kenya
  Bayaan ay soo saareen Dalladda Culimada Soomaaliyeed oo ku wajahan Xukuumada Sh Shariif iyo Muqaawamada


Xayeesiis 25x250