KN: Adigoo heli kara jiir, seedo maxaad ku falaysaa,waxay u egtahay in DKMG ah ay haatan ka maarmeyso ceelkii biyihiisa dhanaanka ahaayeen, waxay heshey ceel biyo macaan oo wadaantu meel soke biyaha kasoo dhufanayso.

Haddii duurduurasho iyo dar ku noqosho loo baahdana, maaxda ceelkani waa mid aanan guri doonin waqti dhow, aan kaaga dhacee dulucda sheekada, DKMG ah waxay dhawaan gashay heshiis gudaha ah oo ay ku heleyso macaashkii ugu badnaa, waa haddii sirta uu noo kashifey Sheekh Maxamed Macalin, xoghayaha warfaafinta Xisbul Islaam ay inaba runta raad ku leedahay.
Maalin Taajir
Heshiiska waxa uu dhexmaray DKMG ah iyo qaar ka mid ah ganacsatada caasimada ee badeecoyinka soo dajiya, isla markaasina dhoofiya, warka naxdinta leh waa in ganacsatadaasi oo ay ka midyihiin kuwa miciyo mariid ah leh lagu wareejinayo maamulka dekeda weyn ee Xamar, waxay awood u yeelan doonaan in ay dekeda kasoo dajiyaan wax kasta oo cadceeda hoosteeda yaala.
Taasi badalkeeda DKMG ah waa in bil kasta la siiyaa $4 malyuun oo doolar, waxaa heshiiska ka mid ah in carbuun ama hormaris ahaan loo bixiyo lacagta dhowr bilood, taasi micnaheedu waa in $12 malyuun oo doolar mar kaliya faraqa loogu shubo Shariif Sakiin , taasi sow maalin taajirnimo ma ahan? mise waa Galin taajirnimo?.
Xaglo Daac
Xaqiiqda ah in maamulkii dekada ee ahayd isha dhaqaale ee kaliya iyo astaanta nidaam dowli ah ee DKMG ah tirsanaysay lagu wareejiyo koox ganacsato ah oo malafsanaya, waxay taasi ka dhigantahay in ul booc ah ay ku tukubeyso xukuumada Cumar CabdiRashiid, waana xaglo daac aanan laga soo kabsan doonin.
Taasi ka sokow, kuma ayaa heynsta hubantida in dekeda ay sii maamuli doonaan dhowrkaasi bilood ee soo socota, haddiise la hormarsato lacagta dhowr bilood yaa damaanad qaadaya haddii uu meesha ka boxo maamulka DKMG ah, lacagtooda halkeey u raacanayaan ganacsatada, dadka naqdiya ganacsiga Xamar yaala waxay ku doodayaan in aysanba ganacsatada dan iyo heelo ka lahayn arrinkaasi, waxa kaliya ee u daranna uu yahay in mar uun ay dekeda gacantooda soo gasho.
Kabro Malab ah
Dooda ku saabsan in ganacsatada la qasbayo iyo in ay dantooda gaarka ah ku jirto iyo in kale taasi ma doonayo in aan odoroso, laakiin waxaa hubanti ah in lacag intaasi la’eg ee markaliya soo galaysa gacanta DKMG ah ay uga dhigantahay kabro malab ah ah oo usoo ruqey
Si la mid ah ganacsatada ayay iyaduna hubanti tahay in arrinkani ay si weyn uga faa’iidayaan, mar haddii macaashkii surta dhagaxa gashay ka noqdey haatan daboolka looga qaadayo, waxaanan filayaa in cid kasta ay iska garan karto in uusan jirin qof intaasoo lacag ah ku bixineysa wax aanan macaash laga heleyn.
Al-Xayuub
Haddii dekedii ganacsato laga kireystey, ka waran garoonka Aadan Cadde, miyeysan isaguna suurogal ahayn in laga kireeyo iskaashatooyinka dayuuradaha? ma jirto sabab loo filan waayo suurtagalnimada arrintaasi.
Waxaasi oo dhan waxay noqon doonaan fardaha igula baqo, marka aan soo dhufto waxa kale ee ay suurtagalka tahay in DKMG ah ay kireyso, meelaha danta guud ah ee ay DKMG ah gacanta ku heyso waxaa ka mid ah dhowr isbitaal oo laf dhabar u ah nolosha dadka caasimada.
Xamar waxaa ka jira oo caan ka ah isbitaal aanan magaciisa sheegeynin oo lagu naaneeso Al-Xayuub, dhaqtarka oo aanan bukaanka il saarin ayaa laga xayuubinayaa wax kasta oo uu heystey, marka lasoo gaaro daweynta qofka waxbaba ma heysto oo kol hore ayaa la diirtey.
Waxaan hubaa in iskaashatada Al-Xayuub gacanta ku heysa aysan marnaba ka deeyrin doonin in ay lacag kasta ku kireysato Isbitaal Madiina.
Ceel Macaan iyo Macaan-Jecel
Xisbul Islaam dhawaan waxay fureen dekeda Ceel Macaan iyo garoonka Cisaleey, waxay doonayaan in ganacsatada Xamar oo dhan ay halkaasi wax kala soo dagaan, xittaa haddii ay ugu kacayso in ay ganacsatada ku qasbaan arrinkaasi.
Wallow laga yaabo in dhanka danta guud ay ka eegayaan furitaanka Ceel Macaan, hadane waxaan qirayaa in Macaan-Jecel-nimo ay tahay arrinta koowaad ee ka guuxeysa maanka hogaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqani Islaamiga ah, inkasta oo aanan maalin taajirnimo lagu tilmaami karin, hadane waxay doonayaan waxoogaa jiscin ah oo ay ku quudiyaan askartooda Galgalato joogta.
Xuuraan: Waa qormo joogta ah oo laffo gur iyo falanqeyn ah
W/Q: Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com
| LA XIRIIRA |
| Raadaar: Madoobe “Nuunuu” Afka suubso |
| Xuuraan: Nabadda waa badeecatul caajis |
| Waamo Johannesburg ka waliimeyso |
| Xuuraan: Rati macsaro dhalinaya |
| Xuuraan: Koob Asayle |