KN: Imisa idin ka mid ah oo riyoota, waliba soo jeedka ku riyoota, imisa idinka mid ah oo riyootey 1975tii, kana fikirey in 30 sanno kadib ay riyadaasi rumoobi doonto

Marka Jubooyinka la joogu, sanadkuna marayo todobaatameeyadii, in qof ka fikiro hergalinta isbitaal weyn oo adeegiisa u dhanyahay oo u adeega shacabka Jubooyinka waxay ahayd riyo, waliba riyo maalin cad la riyoonayo, duruuf kasta oo markaasi jirtey ayaa ka hor imanaysay hergalinta wax ceynkaasi ah.
Kaniinkii Askariga
Waxaa jiri jirey nin ka tirsanaan jirey askartii illaalada Talyaaniga oo wareegi jirey deegaanada miyiga iyo tuulooyinka Jubbada Hoose, ninkaasi wuxuu faraqa ku wadan jirey bac uu kaniin uga buuxo, dadka oo dhan ayuu gacanta u saari jirey hal xabo kaniin ah oo uu u qeeybin jirey, gaar ahaan dadka xanuunsan, waxay ahayd intii ka dambeeysey markii xoriyada la qaatay, sida aan sheekada ku hayo.
Qofka qaaxada qaba,
Ninku dhaqtar ma ahayn, kaniinkana dowlad masoo siinin, dadkana looguma soo dhiibin, iskiis ayuu kaniinka usoo iibsaday, dadka ayuuna ku taborucayay, waxayna ahayd dawada kaliya ee lagaba fikiri karay ee deegaanka tiiley, waxaan filayaa in qisadani ay sawir cad kaa siineyso sida xaalku ahaa.
Isbitaalkii Tiibishada iyo Baarkii Qamriga Kismaayo
Markii ay dowladii kacaanka dhalatay ayaa isbitaalo faro ku tiris ah ladhisey, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, waxaa ka mid ahaa isbitaalkii tiibishada (qaaxada) ee Kismaayo, isbitaalkan wuxuu ku yaalaa wadada Kismaayo ka baxda ee Xamar aada, waana magaalada banaankeeda.
Wuxuu ahaa isbitaalka kaliya ee qaaxada ah ee ku yiiley inta badan koonfurta dalka oo dhan, laakiin daqligii loogu talogalay isbitaalka waxaa farqaha ku shubtey kaadariyiintii kacaanka ee Kismaayo fadhiyey waxayna taasi sababtey in uu xirmo isbitaalka oo loo qabay baahida ugu badan ka hor xitaa intii uusanba howlgalin, lana joojiyey dhismihiisii iyo wax kasta sababtoo ah miisaaniyadiisii ayaay la cuney.
Qeybta layaabka leh ee qisadana ka midka ah ayaa ah in dhaqaalahaasi isbitaalka laga curyaamiyey in lagu fan gareeynayay baar qamri ah oo Kismaayo ku yiiley oo ay dowladu lahayd, laga yaabee in aad adiga magac kale u taqaanid, weeyna tahayba, dowladu waxay ku magacaabi jirtey Dalxiiska, runtiina maba jirin dalxiisayaal la sheego oo Kismaayo iman jirey, meeshan waxaa isticmaali jirey saraakiisha dowlada oo ku tamashleyn jireyn, kuna fuudi jirrey qamriga raashka lagu sameeyo ee Vodkaha loo yaqaano oo loo keeni jirey shaqaalihii raashiyaanka ee ka shaqayn jirey warshadii hilibka ee Kismaayo.
Waligeed dhaqaalo looma weeynin dalxiiska, waxayna ahayd meesha saraakiisha dowlada ay ku dajiyaan shaxda sidii ay ku musuqmaasuqi lahaayeen dhaqaalaha iyo daqliga gobolka kasoo xarooda.
Ninkii xiligaasi ku hamiyey in uu deegaanka ceynkaasi ah ka taago isbitaal sow igu raaci meeysid in uu riyoonayay?
“Wuu Riyoodey”
Dr. Cabdi Caydiid Xiireey, waxa uu ka mid ahaa ardaydii gobolada jubooyinka ka tagtey ee faro ku tiriska ahaa ee Xamar waxbarasho jaamacadeed u tagtey, wuxuu ka mid ahaa ardaydii dalka Raashka u tagtey waxbarshada.
1973 tii ayuu dalka dib ugu soo laabtey, gaar ahaan jubooyinka si uu uga diyaariyo buugiisa taqasuska caafimaad ee qalinjabinta jaamacada looga baahnaa, wixii uu Jubbaland ku arkay waxay ahaayeen wax haatan xasuustiisa ka tan batay oo uu isagu ku tilmaamayo dhibaato bini’aadinimo oo lama arkaan ah
Waraysi aan kula yeeshey magaalada Johannesburg oo uu socdaal ku joogu ayaa waxyaalaha i cajab galiyey ee uu iigaga sheegey Jubbaland xiligaasi ayaa waxaa ka mid ahaa in magaalooyinkii iyo tuulootinkii uu tagay uu ahaa xirfadlaha caafimaad ee kaliya ee waqti xaadirkaasi joogey, marka uu magaalo ama tuulo tago ayaa inta makarafoon la qaato dadka la ogeysiin jirey in uu dhaqtar joogo, una soo xaadiraan baaritaan iyo daweyn, dadka oo dhan ayaa isu iman jirey maalintaasi, isagana wuu baari jirey wuuna daweyn jirey inta uu karro.
Bal malee magaalo dhan oo boqolaal qoys ku noolyihiin oo adeega caafimaad ee ay heysato uusan ka sokeyn dhaqtar arday qalin jabinaya ah oo waliba dooqiisa ku yimid meesha?
Dr. Cabdi wuxuu ka qalinjabinayay markaasi jaamacad ku taala midoowgii Soviet magaalo ka mid ah oo la
Gobolka oo dhan waxaa ku yiiley isbitaalka Kismaayo oo marka ay ugu badantahay ay ka howlgali jireen ugu badnaan 4 dhaqtar, iyo xarun lagu karantiilo dadka juudaanka qaba oo uu gacanta ku hayay nin talyaani ah kuna tiiley Jillib. isbitaalka Kismaayo waxa uu ahaa mid duq ah oo xili hore la dhisey, isla markaasina aan dabooli karin baahida caafimaad ee jirtey
Mar aan weeydiiyey cudurada ugu badan ee uu xiligaasi ku arkay gobolka wuxuu ii sheegey in ay u badnaayeen cudurada kuleeleylaha maadaamaa gobolku maro dhulbaraha, sidoo kale cudurada laga qaado xoolaha, kuwa faafa, iyo nooc kasta oo cudur ah oo cadceeda hoosteeda yaala.
Wuxuu yiri “waxaase iga argagixiyey xaqiiqda ah daryeelka caafimaad ee ay dadkaasi heysteen heerka uu dhanaa, markaan dhan kasta ka eegey waxaa iisoo baxday in ay yihiin dad heysta wax ka yar tixgalinta la siiyo nolosha xawaanka, waxaanan hamiyey in aan mar uun dadkan ku caawiyo xirfadayda”, gobolka oo ahaa kan uu kasoo xaroodo dhaqaalaha ugu badan ee dalka Dr. Cabdi Caydiid wuu aamini waayay xaalada nasiib darada ah ee gobolka Jubbaland ka jirtey, wuxuu iigu daray in qofkii xanuunsada dadka uu noqon jirey qof laga sabro, kaliyana la rajeeyo in uu isaga iska caafimaado, “dadku xitaa ma ogeyn in ay xaq u leeyihiin in ay dawo helaan”.
Wuxuu is weeydiiyey “sidee mushtamac degen laga soo bilaabo Baardheer, Saakoow, Bu’aale, Xagar, Afmadoow, Dhoobleey, Badhaadhe, Kaambooni, Jamaame, Jillib iyo Kismaayo uu hal Isbitaal oo 4 ama 2 dhaqtar joogta ugu filnaan karaa?, waa masiibo bini’aadanimo oo dhab ah?”
Halkaasi ayayna riyadiisa ka bilaabatay, waxay ahayd riyadiisa in uu Jubbaland ka taago isbitaal weyn oo daboola inta badan baahida caafimaad ee dadka Soomaaliyeed ee goboladaasi dega, isagoo u niyeysanaya xag illaahay iyo samofal, 30 sanno ka badan maxaa riyadiisa uga rumoobey Dr. Cabdi Caydiid.
LA SOCO QEYBTA XIGTA OO XIISO BADA (EEG MUUQAALADA HOOSE, FILLO KUWA KALE OO BADAN OO KU SAABSAN ISBITAALKA DHOOBLEEY)


Xuuraan: Waa qormo falanqeyn iyo laffo gure ah
W/Q: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com
Exclussive: KismaayoNews.com
| LA XIRIIRA |
| Caqliga iyo caadifadda |
| Waddada Walaalnimada iyo Midnimada |
| ERGO GUUR |
| Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad |
| Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad |