Kala diridda Ciidanka Daraawiishta waa tallaabo ay horay u qaaday cidii doonaysay inay cagta mariso kana masaxdo maskaxda gurboodka Somalida Halgankii Xornima doonka ahaa ee ay ka dhalisay Dhulka somalida kagana hortimid Gumaysigii dhulka maantaa xoogga ku haystay intaanu naga qabsan maskaxda Ciidankii Daraawiishta Dadka Somalida ah waa kuwa jecel Somalia oo xor ah iyada is maamulaysa ee aanu u talin qof shisheeye ah ama mid wata magac iyo muuqaal Soomaaliyeed waxay u hayaan xurmo iyo qadarin waa kuwa maskax doodu nadiifka ka tahay qabyaaladda .
Waxaa looga jeedaa in la kala diro Ciidanka Daraawiishta dabar goynta magacii iyo maamuuskii ay lahaayeen xooggii Daraawiisheed ee xornimadii ay naga lumiyeen Jabhadihii Qabiil u dirirka ahaa aabayaashii dhibaatada qaska iyo nabad galyo la aanta , iyadoo aanan lahay khaladaad waa ka dhacay Ciidankii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Hormuudka u ahaa ayaanan marna lahayn kuwii uu madaxwaynuhu kala cayriyay ayaysan u lahayn khalad , laakiin waxaa hubaal ah inay ahaayeen ciidamada dawladda haattan u xaraysan inay ahaayeen kuwooda ugu akhlaaqda wanaagsan iguna dhawrsan dhaqan ahaan , Wasiirka 1 aad ayaa isna raacshay Dastuurka noogu majirto wax la yiraahdo Daraawiish , !!! Dastuurka yaa dajiyay ?
Dhawr jeed ayaan wax ka qoray gafka wayn ee ay hay'adaha wax barasho ee hoos yimaada UN ka ay ka galeen Juquraafiga siyaasiga Somalia , markii ay si bareer ah u tiri rireen xariiqimihii ay dawladihii xalaasha ahaa ee Somalia u sameeyeen xuduud beenaadka iyadoo loo badalay xariiqii jar jarnaa ee loogu magac daray xuduud beenaad mid xiriirsan oo aan lahayn wax astaan ah oo muujinaya dhulalkaas aan aamin sanahay inay naga maqan yihiin .
Mar hadii Man'hajkii wax barasho ee uu dalku lahaa gaar ahaan kan taariikhda dadka somalida muujinayay loo gacan galiyay dad aan arxan noo lahayn mar haddii magacyadii astaanta u ahaa xornimada iyo la dagaalanka cadaawaha la tir tirayo mar haddii muuqaal iyo magac Somali iyo qalbi shisheeye nalagu hoggaaminayo , ma wax noo haray ayaa jira ?
Waxaa haatan socdda qorshe run iyo been wuxuu yahay aanan hubin asii iga soo gaaran Mas'uul ka mid ah Xukuumadda Somalida in la doonayo in la badalo magaca Kulliyadda Jaalle Siyaad loona badalo Kulliyadda Tababarka Ciidamada Ee Amisom , haddii ay arintaas run tahay waxaa marag ma doonto ah in la doonayo in laga tir tiro dhulka Somalia qof kasta oo uu magaciisa la xiriiri karo Dagaaladdii loo galay xoraynta Dhulalka maqan
Bartamaha London deegaanka Westminster waxaa ka buuxa taallooyin loo sameeyay Saraakiishii Hogaaminaysay dagaaladii lagu qaaday qaaradaha ee lagu addoon saday dadyawga adduunka iyadoo lagu xardhay bilad geesi ayaa beeraha ay dad waynuhu ku nastaan lagu xardhay waa Jaranaaladii xasuuqa ka gaystay adduunka kana mid tahay Somalia Coffi oo ahaa sarkaal ingriis ah warankii Daraawiisheedna sababsaday waxaa loo taagay taallo geesi lagu xasuusto .
Haddii adduunku sidaas u fakaro anagu waxaan u fakarnaa qof kasta oo magac lahaa intiisa xun inaan dhoo dhoobno inagoo iska indha tirayna wixii wanaag ah ee uu lahaa iyo wax qabad haduu lahaa , ilaalinta magaca dadkii dalka iyo dadka usoo halgamay dhiigoodana u daadiyay waa masuuliyad saaran qof kasta oo Somali barax tiran ah .
Anqaastii Aadam Zaki
http://uk.mc519.mail.yahoo.com/mc/compose?to=Aadan17@yahoo.com
| LA XIRIIRA |
| Caqliga iyo caadifadda |
| Waddada Walaalnimada iyo Midnimada |
| ERGO GUUR |
| Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad |
| Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad |