
Waxa uu intaasi ku daray in xarakada Raaskaanbooni ay shaqooda wataan, kuwa Alshabaab ku biireyna aysan matalin sida uu hadalka u dhigey. waxa kaloo sheegey in kuwa ku biirey Alshabaab uu dagaal kala dhaxeeyo isagoo yiri , “cid kasta oo Alshabaab ku biirta waxaa naga dhaxeeya dagaal caqiido ah”.
Isagoo ka jawaabayay faalo kusoo baxday KismaayoNews oo wax ka ifisey xiriir laga yaabo in uu ka dhaxeeyo isaga iyo xarakada Suufiyada ee Ahlu Sunnah ayuu sheegey in uusan wax xariir ah haba yaraatee ka dhaxaynin isaga iyo Suufiyada. tuhunka arrinkani ayaa waxa uu soo shaacbaxay markii labbo habeen ka hor dagaal ay labbada dhinac si kala gaar ah ugu qaadeen Alshabaab la’isku soo beegey.
Dhanka kale wuxuu sheegtey mas’uuliyada weerarka labbo habeen ka hor lagu qaaday Afmadoow, isagoo xaqiijiyey in uu ku suganyahay meel Jubbada Hoose ka mid ah.
Ku biiritaanka Garabka raaskaanbooni ka mid ah ee Alshabaab waxa uu dhabar jab ku noqdey Sheekh Axmed Madoobe iyo guud ahaan xisbul Islaam oo uu Sheekh Axmed sheegey in wali heykalkiisii iyo madaxdiisii wali dhisantahay.