
Maxamed Cabdulaahi Cariig oo ahaa wariye rug cadaa ah oo Xamar ka howlgalayay ayaa maanta karkaarka weeydaariyey kuna biirey DKMG ah, waxaa loo magacaabay afayeenka cusub ee maamulka gobolka Banaadir ee DKMG ah.
Horey waxaa afayeeno ahaa Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaan jirey agaasimihii Raadiyoow Muqdishoow xiligii dowladii dhexe ay jirtey, saxafi weyna ah. iyo Cabdiqaadir Walaayo oo isagana Saxafi ah, haatan waxaa kusoo biirey Cariig.
Mid ka mid ah dadka sida weyn ugu soo caanbaxay afayeenimada DKMG ah waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Diinaari oo saxafi ahaa ka hor balse ay fadeexadii ka raacday xilkiisa ay ku qasabtay in uu dalka isaga tago.
Xoghaya maamulka Banaadir Cabdi kaafi Hilowle ayaa saxaafada u sheegey in Maxamed Cariig laga dhex xushey 11 musharax oo xilkaasi doonayay, maalmahan dambane afayeenada DKMG ah loo magacaabo saxafiyiinta kuwooda u qalma.
Mid ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqda saxafiyiinta oo nala hadlay ayaa xiri ”sida aad haddeer dhalada uga arkaysid ama idaacad uga maqleysid isagoo saxafi ah oo waramaya, ayaa daqiiqada xigta waxaad arkaysaa isagoo isla warbaahintii laga waraysanay kuna hadlay codka DKMG ah, tani waxay halis galin kartaa nafta saxafiyiin badan oo ku hoos nool maamulada muqaawamada ama ka howlgala meelaha ay ka shaqeeyaan, ma haboona in saxafiyiinta loo arko kuwa taageersan DKMG ah, wallow uu xaq u leeyahay Cariig in uu ku biiro cidda uu doono, hase yeeshee waqti xaadirkan ma ahan mid haboon”. ayuu yiri isagoo ka gaabsaday magaciisa.
Horey inta baddan saxafiyiinta Xamar uga caansanayd looguna jeclaa ayaa ku biirey DKMG ah iyagoo laga shaqaaleeyey idaacad afka dowlada ku hadasha oo ay mabnuucdey xarakada Alshabaab dhagaysigeeda