KN: Ninka ku magacaaban wasiirka arrimaha dibada DKMG ah Cali Jaamac Jaangale ayaa sheegey in ay xirayaan safaaradaha ay ku leeyihiin dalalka Yurub qaarkood qarash la’aan darteed, waxaa ka mid ah safaaradaha Faransiiska iyo
Wasiirka ayaa sheegey in golaha wasiirada ay arrinkaasi go’aamiyeen maadaamaa aanan qarash loo heyn xitaa shaqaalaha ka howlgala safaaradaha sida uu hadalka u dhigey, sidaasi darteedna ay daruuri noqotey in la’iska xiro.
Waxa uu sheegey in aysan sii shaqayn karin safaaradahooda haddii aysan taageero dhaqaalo ka heysan dowladaha ay ku yaalaan
Lama oga in safaarada Talyaaniga ee Nuur Cadde uu joogo ay ku jiri doonto safaaradaha la xirayo iyo inkale, safaaradani iyo tan Kenya ayaa lagu tiriyaa in ay yihiin illaha ay ka nuuxnuuxsato DKMG ah dublamaasiyad ahaan.
Talaabadani waa waji gabax iyo dhabarjab lasoo darsan dowladani tabarta daran ee dhowrka taako ka talisa caasimada.