Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Sh. Barre Cali Barre oo ka badbaadey fal lagu khaarajin lahaa

Published: 5 February 2010

Sh Barre Cali sarkaalka ugu sareeya ciidamada Kambooni ee ka qaybta ah Xisbul Islaam ayaa ka badbaadey fal lagu weerarey gurigii u ku daganaa magaalada Muqdisho kadib markii Bam gacmeed lagu tuurey gurigiisa xilli habeenimo ah balse uu kabadbaadey.


Sh Bare oo saxaafadda la hadley ayaa caddeeyey falkaas gurigiisa lagu weeraray isagoo sheegey in inta uu noolyahay uu wadi doono dagaalka Jihaadka ah falkaasina eebbe ka badbaadiyey. Illaa iyo hadda lama garan karo cidda ka danbeysey falkan waana midkii ugu horeeyey ee Sh Barre lala beegsaday. Sh Barre ayaa  maalin ka hor saxaafadda ka sheegey in ururka Raaskambooni aysan shuqul ku lahayn heshiiskii Baydhabo ka dhacay ayna ciidamadiisu ka tirsan yihiin Xisbul Islaam taasoo hadalheynteeda saxaafadda ku badneyd maalmahan.


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Afhayeenka Amisom (Xernashaha Wadada Dabka waxa masuul ka ah Alshabaab)
  Alshabaab oo uga digay Uganda in ciidan kale u soo dirto Somaliya
  Masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan oo kulan ku yeeshay Nayrobi Riisul wasaraha DKMG Somaliya
  Xubno masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan kulan ku yeeshay Nayrobi
  Madaafiic xalay ku dhacdey Xafado ka mid ah Xamar


Xayeesiis 25x250