Dayuuradaha oo ah nooca qumaatiga u kaca ayaa saacado dhowr ah si joogto ah ugu dul meereysanayay dekeda magaalada iyo xarumaha maamulka Alshabaab ee magaalada, wararka ayaa sheegaya in askarta maamulka ay tacshiirad ku rideen dayuuradaha oo laakiin aanan wax jawaab ah bixinin.
Magaalada Marko ee iyadana xeebta ah waxaa la sheegey in Alshabaab ay bandoow kusoo rogeen isla markaasina dhismayaasha dushooda la koreen hubka lidka dayuuradaha iyo hub kale oo culus.
Walloow dayuuradaha ay marar hore sidani oo kale u dul mari jireen magaalooyinkani, hadda xaaladu waa ay ka duwantahay sidii hore kadib markii la heley xog ah in dayuuradahani ay qeyb ka noqonayaan duulaan hadal heyntiisu ay soo kordheyso oo DKMG ah iyo AMISOM ay la damacsanyihiin meelo badan oo dalka ka mid ah.