Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Galaal oo Suufiyada u galay

Published: 7 February 2010
KN: Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa xaqiijiyey war maalmo kahor kusoo baxay KismaayoNews oo sheegayay in Jenanka uu haatan horkacayo ciidamada xarakada Suufiyada ee Ahlu Sunnah Waljamaaca


Wuxuu sheegey Galaal in maadaamaa Ahlu Sunnah ay tahay awood ciidan oo aan la dhayalsan karin in uu goostey in uu qibradiisa ciidan ku biiriyo xarakada, isla markaasina si toos ah ugu biirey.


KismaayoNews ayaa tabisey in Galaal uu horkacayo ciidamada Suufiyada oo loo magacaabi doono taliyaha ciidamada.


Galaal oo ah raga ugu darajada sareeya ciidamadii Soomaaliya ee haatan nool ayaa khilaaf kala dhaxeeya DKMG ah dartiis waxa ay dooransiisey in uu ku biro Ahlu Sunnah kadib markii loo magacaabi waayay taliyaha ciidamada DKMG ah, waxaa la sheegey in uu doonayo in uu dowlada la gorgortamo isagoo Ahlu Sunnah sida lagu soo dajiyey qorshe Nairobi uu kula gaaray taageerayaashiisa.


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Afhayeenka Amisom (Xernashaha Wadada Dabka waxa masuul ka ah Alshabaab)
  Alshabaab oo uga digay Uganda in ciidan kale u soo dirto Somaliya
  Masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan oo kulan ku yeeshay Nayrobi Riisul wasaraha DKMG Somaliya
  Xubno masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan kulan ku yeeshay Nayrobi
  Madaafiic xalay ku dhacdey Xafado ka mid ah Xamar


Xayeesiis 25x250