Duulaanka hadalheyntiisa jirto, saansaantiisana muuqato, baaxadiisana la arkayo ee DKMG ah la damacsantahay xoogagii muqaawamada ee kasoo horjeeda, wuxuu kusoo beegmaya xilli Xisbul Islaam ay u jirto xilli kala guur ah oo dhib badan.
Dadka odorosa siyaasada dalka waxay leeyihiin “xibsul islaam xeelad mooye xoog kamaba badbaadi karto dabaylaha dhacay”, waxay qabaan in wadahadalkii la hadal hayay ee Xisbul Islaam iyo DKMG ah uu haatan uun ka suurtogalsanyahay xilli kasta oo hore oo lasoo maray.
Xisbul Islaam ma heeysato xoogii hore, hogaankii hore ee mideysnaa iyo waliba irdho la’aantii, haatan hogaankii qaarbaa xarkaha gooyey, gobolo iyo deegaano badan oo ay ka talin jireen haatan Alshabaab ayaa la wareegtey, waxaa intaasi usii dheer kala jiidasho lagu samaynayo ciidamadooda.
Xisbiga waxa uu gacanta ku hayaa inta u dhaxaysa Xamar iyo Afgooye oo ay degenyihiin dadka ugu baddan oo meel dalka ka mid ah ku nool, waxay ku dhowyihiin hal malyan oo qof waana dadkii caasimada ka barokacay, xisbiga wuxuu ku guuleystey si buuxda in dadkaasi uu kalsooni ku beero taageeradoodana helo, maalinta tacshiirada ugu horeysa ay Xamar ka dhacdo ee uu dagaalka biloowdo dadkaasi waa ay soo labo jibaarmayaan oo inta magaalada ku hartay ayaa meeshani usoo qixi doonta. taasi waxay siineysaa awood dheeraad ah oo ay ku gorgortami karaan maadaamaa aanan in badan lagu dhiiran doonin in lagu soo duulo meesha intaasi shacab ah degentahay, waa haddii cid mas’uul ah ay jirto oo ka tirsan DKMG ah.
Walloow laga yaabo in maalmaha ugu hore ee dagaalka ay ka qeybgalaan, hadana lama biciidsan doono in markiiba ay soo baneeyaan aagagooda oo ay xoogooda isugu keenaan Ceelasha biyaha illaa Afgooye.
Waxaa kaloo jirta in xisbiga uu ahaan doono hoyga cid kasta oo kasoo falaagoowda Alshabaab, sababtuna ay tahay in xarakadani ay tahay tan kaliya ee diyaarka u ah wadahadal iyo heshiis haddii la helo cid kasoo bixi karta shuruudaha ay wadato ee ah in ciidamada shisheeye dalka laga saaro, dalkana shareecada lagu xukumo, halka Alshabaab aysan dooneyn wax ka yar in ay iyaga dalka u taliyaan, cid kalana aysan koob biyo ah ka darsan.
Haddii aad u fiirsatid hadalada kasoo yeera madaxda DKMG ah ee duulaankan saxaafada kala hadla, waxaad garanaysaa in cidda loo jeedo ay kaliya tahay ALshabaab oo ay yartahay inta lasoo hadal qaado Xisbul Islaam, taasoo iyana ku siineysa dareen ah in uu isfaham jiro wallow ay xilli hore tahay in la odoroso wax aanan muuqan hadda.
Alshabaab waa ka dharagsantahay in aysan saaxiibtinimo badan ka samaysan Xisbul Islaam, walina ay ku xad gudubtey inbadan, sidaasi daraadeed in badan iskuma halayn doonaan garabka Xisbiga
Si kastaba, maalmaha fooda nagu soo haya ayay wax kasta kaadla cadaan doonaan
FG: faaladani waxaa qorey bahda KismaayoNews.com
| LA XIRIIRA |
| Yoolku waa Hobyo |
| Sheekha ducadii laga aqbalay |
| Askar Ugandhiis ah lagu laayay madaxtooyada |
| Xamar iyo Badartii Makka |
| Baarlamaanka beeylahda ah |