Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Maan Is dagaalno: Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo is Maaggan!

Published: 23 February 2010

In badan ayaan kala warwareegney, marhore ayay ahayd inaan kala hadhnee iskeen siiya ballankeenuna waa  Kii Roon reerka ha uhadho!. Hadallada ay labadan xisbi isku dhaafsanayaan warbaahinta ayaa u muuqda kuwa ay isku balansanayaan iney is dagaalaan goor aysan garandoonin taasoo dhibaato hor leh iyo barakac hor leh.


Sheekh Cali Dheere iyo Sh Maxamed Macallin oo u hadla labada urur ee Alshabaab iyo Xisbul Islaam ayaa isku maandhaafey hawada iyadoo ururka Alshabaab ay si toos ah u abaareen kuna eedeeyeen Xisbul Islaam iney iyagu ka danbeeyeen qaraxyo ka dhacay suuqa Bakaaraha qaybihiisa shidaalka iyo daawada dad masaakin ah oo shacab ahina ku nafwaayeen.


Afhayeenka Xisbul islaam ayaa markii ugu horeysey si cad u qirtey iney iyagu qaadeen dagaalkii Dhoobley ay ku qabsadeen isla markaana ay xeelad dagaal uga baxeen dagaalkiina sii socda isagoo dhanka kalena ku eedeeyey Alshabaab iney xagal daaciyeen wada hadallada iyo heshiiswalba oo lagu soo afari lahaa.


Alshabaab ayaa iyagu sii wada iney tashkiiliyaan ciidamada Xisbul islaam illaa iyo ka dhameystaan taasoo Xisbul Islaam aad uga xanaajineysa isla markaana soo dadjin kareysa dagaal dhexmara labada urur.


Waxaa jira arimo badan oo labada urur ku kala fogyihiin sida Xadadka waddanka, Calanka waddanka iyo siyaasad ahaanba. Tusaale ahaan Xisbul Islaam waxey aqoonsan yihiin iney yihiin Soomaali kaliya, leeyihiin calanka Buluugga ah isla markaana ay leeyhiin xadad ay la wadaagaan waddamo daris ah. meesha dhanka kale Alshabaab ayaysan taas aqoonsaneyn.


Illaahay ma keenee, waxaa soo muuqda mugdi aan lasaadaalin karin waxeyna ku danbeyn doontaa kolba meesha eebbe qaddaro.


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Raadaar: Madoobe “Nuunuu” Afka suubso
  Xuuraan: Nabadda waa badeecatul caajis
  Waamo Johannesburg ka waliimeyso
  Xuuraan: Rati macsaro dhalinaya
  Xuuraan: Koob Asayle


Xayeesiis 25x250