Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Ganacsade Soomaali ah oo lagu qaarijiyey Cape Town

Published: 2 March 2010

KN: shalay oo ay bishu ahayd 1-3-2010 abaare 3:00 galabnimo ayaa dabley hubeysani ku dishay marxuum Xaafid Axmed Fidaar xaafada Philipi ee magaalada Cape town





Ggoobtii dilku ka dhacay ayaa waxaa isla markiiba soo buux dhaafiyay boqolaal Soomaali ah oo aad uga murugeysnaa dilka  loo geystay walaalkood isla markaasina hanfariirsan.  
 
Dilkan ayaa wuxuu ka mid yahay dilalka qorsheysan ee loo geysto Soomaalida ee aan ahayn tuuganimo kaliya oo ay weheliso nacayb iyo xasad dhinaca ganacsiga ah.




Maalmo kahor ayey ahayd markii dab laqabadsiiyey isla dukaanka marxuumka lagu dilay xili ay jiifeen laakiinse ay ku guuleysteen marxuumka iyo saaxiibkiis inay damiyaan,isla habayn hore ayaa dukaan aan kaas ka dheereyn dab laqabadsiiyey halkaas oo ay hantiilayaashii dukaanka iska lahaa uun ay ka badbaadeen.



 
Jaaliyada Soomaalida ayaa taxsi u direysa dhamaan umada Soomaaliyeed meel kastooy joogtaba, gaar ahaan ehalada marxuumka


Cabdinaasir Saxansoxo, Johannesburg, KismaayoNews.com




KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan oo kulan kula yeeshay Nayrobi Riisul wasaraha DKMG Somaliya
  Wasiir DKMG ka tirsan kuna sugan Addis Ababa oo sheegay in Cidamo Itopiyan soo galidoonan Somaliya.
  Dadka u xiran DKMG ah oo sii kordhaya
  Isku dhac Khasaaro geystay oo ka dhacay Hobyo
  DKMG iyo Xoogaga Islaamiga oo guulo ka kala sheegtay Dagaalk Xalay ka dhaga Xamar.


Xayeesiis 25x250