Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Warfidiyeeno ugub ah oo Kismaayo nuurinaya

Published: 4 March 2010

KN: Cutub warfidiyeeno dhawaan ka qalinjabiyey machadka barashada saxaafada Al-abaadir Kismaayo ayaa saameyntooda laga dareemayaa Kismaayo xilli ay kasoo huleeleen inta badan saxafiyiinta.



Xaflad qalin jabin ah oo loogu qabtey dugsiga sare ee Ganaane oo ku yaala kasoo horjeedka dhismihii Fiat iyo xaruntii Somali Airlines ee Kismaayo ayaa warfidiyeenadan lagu gudoonsiiyey shahaadooyin saxaafadeed.


Maamulaha machadka Cali Kulle oo xaflada ka hadlay taariikhda saxaafada Jubooyinka iyo dhibaatooyinka lasoo gudboonaadey, isagoo warfidiyeenada cusub u rajeeyey howl wacan.


Warfidiyeenadan ayaa magaalada kusoo biiraya xili ay kala hayaameen intii badneyd saxafiyiinta oo haatan intooda badan jooga dalka dariska ah ee Kenya.


Waxaa hortaala saxafiyiinta shaqo adag oo mararka qaarkood galaafan karta noloshooda.


Warbaahinta hormuudka ah ee Jubooyinka oo ay KismaayoNews ugu horeeyso ayaa soo dhaweeyey saxafiyiintan saaxafada kusoo biirey, laakiin walwal ka muujiyey badqabta dhalintan usoo hanoqaaday dadka iyo dalka.


Isha Sawirka: Hiiraan.com


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan oo kulan kula yeeshay Nayrobi Riisul wasaraha DKMG Somaliya
  Wasiir DKMG ka tirsan kuna sugan Addis Ababa oo sheegay in Cidamo Itopiyan soo galidoonan Somaliya.
  Dadka u xiran DKMG ah oo sii kordhaya
  Isku dhac Khasaaro geystay oo ka dhacay Hobyo
  DKMG iyo Xoogaga Islaamiga oo guulo ka kala sheegtay Dagaalk Xalay ka dhaga Xamar.


Xayeesiis 25x250