Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
30 qof dhimasho, 80 dhaawac, dagaal Xamar ka dhacay

Published: 10 March 2010
KN: Inta la ogyahay 30 ayaa ku dhimatay, 80 kalana waa ay ku dhaawacantay dagaal qaraar oo maanta dhexmaray Alshabaab iyo DKMG iyo AMISOM oo dhinac ah.

9 qof ayaa meel kaliya ku geeriyoodey, inka badan tobona waa ay ku dhaawacantay madaafiic qadar yar ka horeysey dagaalka inta uusan xoogeysan.



Dirirta inteeda badan waxay ka dhacday degmada Cabdi Casiis, laakiin duqeyntu waxay saameysey xaafado kale oo dhowr ah.



DKMG ah ayaa Alshabaab ku eedeysey in ay iyagu weerarka soo qaadeen.



Afayeenka Alshabaab Sh. Cali Raage ayaa mar sii horeysey manta sheegey in ay la wareegeen gacan ku heynta hoteelka Global oo u dhow garoonka kubbada cagta ee Koonis, lama oga in dib looga qabsaday iyo inkale


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Mayoow Teeysiyoow, magaca ka raac
  Xamar oo maanta oo Jimco ah deggan
  Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Xamar(K)
  Uganda oo qiratay Ciidamo dheeri ah in ay geeysay Somaliya.
  War deg deg ah (Kn)


Xayeesiis 25x250