Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Maxaakiimtu waa faraj alle iyo Faatax noo yimide (Gabay)

Published: 31 January 2009

Gabay: FAATAX waa tix gabay ah oo isbarbardhig ku samaynaysa Farqiga u dhaxeeya Dawladda ku Meelgaarka Federaalka ah EE fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo iyo Maxaakiimta Islaamiga ah oo nabadgalyo iyo kala dambayn  ku soo dabaalay inta badan Gobolada Koonfureed Dalka. Tixdan waxaa curiyay Abwaan Cabdi Ibraahim Magan(CIRJIIR ) Sanadkii 2006dii

- Maxaakiimtu waa faraj alle iyo Faatax noo yimide

- Faxshiga iyo waxay neceb yihiin faanka beenta ahe

- Fitra aan badnayn bay qabteen Hawlo farawayne

-Fariintoodu waa inaan midnimo fahan ku gaarnaaye

- Nimankaa furqaankiyo u kacay khayrka fidintiisa

- Iyo qolodan Baydhaba fadhida faalla kala roone



- Federaalku waa Dawlad aan shacab u footayne

- Ayagaa fidmada taagan iyo keenay fiirsiga
e

- Waa Faras shisheeyaha fog iyo cadawgu fuulaaye

- Faaiido iyo khayr dadyahaw kama filaysaane

- Ka fogaada oo naca Allaa deeq idiin furiye


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Gabay: Nabadda Taageera. WQ Mubashir
  DHAXAL WAREEG: Dhiifoonaada Soomaaliyeed Dheeshu Waa halise!
  Tuug Baroole waa gabay cusub oo ka hadlaya badda la bixiyay iyo khayaanada qaran
  ERAY-CILMI-AFEEDKA AFKEENNA HOOYO Qalinkii Stanza
  Dawlada u Sheega (Gabay)


Xayeesiis 25x250