Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Muqaawamadu ha Midowdo (Gabay)

Published: 31 January 2009

HANNAANKII CIRAAQ: Waa tix gabay ah, oo ku wajahan dibin-daabyada lala maagan yahay ummadda Soomaaliyeed ee dalkooda la leeyahay Ciidammo nabadda sugaa la gaynayaa.


Waxaana tiriyey Cabdi Ibraahim Magan (CIRJIIR)



- Lixdankii Xorriyaddaan hellee hebello loo aasay
- Nacabkii horraan laga eryaa hootadii sida e
- Hawadoodu waa inay mar kale hilay na saaraane

- Hoomaaq dalooshiyo god bay Hoos u qodayaane
- Hadba waxay inoo sheegayaan been Hariirya lahe
- Haddaan laga hortagin Soomaalaay Xaalku waa Halise
- Hannaankii Ciraaq baa socdiyo Heerki Falastiine.

- Ha yeeshee Hurdadu way xuntahay Haatanoo kala e
- Inkastooy hamuun badan qabaan Hororka ciideennu
- Ninna Heeryo uma qaadi karo Hayb filkiisa ahe

- Hurgumada dhaxdeenna ah intaan Hooy iska illowno
- Hubka inaynu wada qaadannuu hadalku joogaaye
- Halyay iyo ninkii Geesiyaa loo hanwaynyahaye
- Isu hiisha oo kaca midnimo way habboontahaye


Abwaan: Cabdi Ibraahim Magan (Cirjiir)
cirjiir@hotmail.com


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Gabay: Nabadda Taageera. WQ Mubashir
  DHAXAL WAREEG: Dhiifoonaada Soomaaliyeed Dheeshu Waa halise!
  Tuug Baroole waa gabay cusub oo ka hadlaya badda la bixiyay iyo khayaanada qaran
  ERAY-CILMI-AFEEDKA AFKEENNA HOOYO Qalinkii Stanza
  Dawlada u Sheega (Gabay)


Xayeesiis 25x250