Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Xukuumada DKMG ah oo kalsooni raadsanaysa

Published: 31 July 2010

Kn: Sida maanta uu shaaciyey gudoonka sare ee Barlamaanka DKMG, Xukuumada Faderaalka ah ayaa beri hor imaandoonta golaha Baarlamaanka si ay u weydiisato codka kalsoonida.


Cabdiwali Ibaraahim Muuddey oo ah ku simaha gudoomiyaha golaha baarlamaanaka ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka , oo la hadlayay mudanayaasha baarlamaanka furitaankii fadhiga baarlamaanka ee maanta ayaa sheegay in xukuumadu ay fadhiga baarlamaanka ee beri ay ka soo qayb-gali doonto si ay kalsooni u soo weydiisato Baarlamaanka.


Gudoomiye ku xigeenkan ahna ku simaha ayaa carabaabay in gudoonka sare ee baarlamaanku ay la socdeen halka ay wax u marayeen xukuumadda, tan iyo markii ay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ay gudoonka u gudbiyeen mooshin ay ku dalbanayaan in xukuumaddu ay baarlamaanka isa soo hortaagto.


Kulankan maanta waxaa ka soo qeyb galay xildhinaabo tiradoodu gaarayso 280 xildhibaan taasoo meesha ka saartay buuxsamid la’aantii kooramka oo sababay dib u dhacyadii ku yimid fadhiyadda baarlamaanka ee kan maanta ka horeeyey..


Xildhibaanada Golaha baarlamaanka ayaa maanta uga dooday Fadhigooda qodobka 13aad ee xeerhoosaadka baarlamaanka oo ka hadlaya tiradda xildhibaanada ee keeni karta mooshinka ka dhanka ah gudoonka sare.


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Mayoow Teeysiyoow, magaca ka raac
  Xamar oo maanta oo Jimco ah deggan
  Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Xamar(K)
  Uganda oo qiratay Ciidamo dheeri ah in ay geeysay Somaliya.
  War deg deg ah (Kn)


Xayeesiis 25x250