Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Aftida dastuurka Zanzibar maxaan kaga dayanaa?

Published: 31 July 2010
Kn: Maanta boqolaal kun oo qof oo u dhashay jasiirada Zanzibar ee dalka Tanzania ayaa u dareerey goobaha codbixinta iyagoo u codeeynaya wax ka badalka lagu sameeynayo dastuurka si loogu darro qodobo ka hadlaya awoodqeybsi.


Zanzibar ama Sanjibaar oo micnaheedu yahay jasiiradii Sanjabiilka waa xaruntii saldanadii boqortooyadii reer Cumaan ee mar ka talin jirtey Soomaaliya iyo dhulka xeebta ah ee bariga Afrika oo dhan, taasi oo kaliya ma ahan waxyaabaha naga quseeya jasiiradani iyo aftida maanta dhacaysa.



Qodobka loo codeeynayo waa awoodqeybsi dhexmarta labbada xisbi ee kala gala kaalinta koowaad iyo tan labaad iyadoo la abuurayo 2 madaxweyne ku xigeen oo ay kala qaadanayaan asxaabtaasi, sidoo kale wasiirada ayaa la qeybsanayaa.



Zanzibar waa jasiirad leh maamul-goboleed xoog baddan, waxay leedahay calankeeda gaarka ah, astaamaheeda gaarka ah, iyo waliba idaacadeeda gaarka ah, waxay xornimada qaadatay 12-kii Janaayo 1962 dii, 3 bilood kadib ayay ku biirtey dhulweynihii Tangayiga kadibna ay wada qaateen magaca Tanzania oo laga keeney iskudarka labbada magac.



Tan iyo 1992 jasiirada waxaa jirrey dhiig badan oo ku daatay rabshado dhexmaray taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee CUF (Civic United Front) iyo xisbiga talada haya ee CCM (Chama Cha Mibunduzi) oo Tanzania ka talinayay tan iyo xoriyadii.



Bishii janaayo 2001 dii illaa 30 qof ayaa ku dhintey rabshado dhexmaray labbada dhinac oo kala degen labbada jasiiradood ee kala ah Unguja iyo Bemba oo la’isku yiraahdo Zanzibar.



Xisbiga CUF waa mid aad u xoogbadan oo uu horkoco hogaamiye siweyn loo qadiriyo oo dhinaca diinta u janjeera oo lagu magacaabo Seif Sharif Hamad, xisbigiisa waxaa la sheegaa in uu ku guuleystey inta badan doorashooyinkii dhacay balse looga shubtey.



Rabshadihii dhacay xiligaasi waxay keeneen dad badan oo ka qaxa jasiirada kuwaasoo qaarkood maanta ku nool caasimada Soomaaliya ee Xamar, waxay ku jiraan dhismihii hore ee wakaaladii biyaha iyagoo rajo ka qaba in isbadal siyaasadeed uu ka dhasha dalkooda.


Zanzibar waligeed waxaa jirtey aragti gooni isu taag ah balse waxaa caburin jirtey xukuumadii markaasi jirtey ee Mwalimu Julias Nyarere oo lagu tiriyo in uu yahay aabaha qaranka Tanzania, arrintaasi waxay Soomaaliya ku yeelatay saameyn xun, xukumuumadii Nyarere waxay taageertey dowladii Itoobiya dagaalkii Ogaden ee 1977dii, sababtuna waxay ahayd in madaxbanaanida Ogaden ay horseedi lahayn in Zanzibar iyaduna ay dhabahaasi qaado.



Zanzibar, jasiirada qorayaasha murtida badan ee geed naarjiinka ku xeeranyahay, waxa ay dhacdaa meel aanan ka fogeyn Soomaaliya, dhawaan murankii xagga badda ee Kenya iyo Soomaaliya, waxyaabihii ay Kenya ku doodey waxaa ku jirrey qodob ahaa in xuduuda Kenya iyo Tanzania kala dhaxeeya looga cabirqaatay xuduuda xagga badda ee cusub ee ay Kenya sheeganaysay.



Jasiirada waxa ay leedahay qeeyraad baddan iyo dhaqaalo balse xukuumadihii isaga dambeeyey ayaa lagu eedeeyaa in ay lunsadeen dhaqaalahaasi, Seif Shariif Hamad, hogaamiyaha rugcadaaga ah ee xisbiga CUF wuxuu doorashadii 2005tii sheegey in Zanzibar u badali doono “Singapore -tii Afrika” .



Aftidani waxaa looga hortagayaa dhiig cusub oo jasiirada ku daata marka ay dhacdo doorashada madaxtinimo ee dhacaysa 31da Oktoobar sanadkan, dad badan ayaa filanaya in xisbiga CUF oo ah mucaaradka ugu xooga badan Tanzania oo dhan uu ku guuleysan doono doorashada. Haddii markanina uu helo codka xisbiga talada haya ee CCM waxay taasi ka dhignaan doontaa masiibo weyn oo aduunka la gilgisho sababtoo ah dadka labbada jasiiradood oo kala aaminbaxsan kuna kala fog xaga aragtida iyadoo taageerayaasha labbada dhinac ay u diyaargaroobayeen dagaal.



Maanta caasimada dhadhaabta ee qadiimiga ah ee Zanzibar waxaa lasoo tabiyey in isu soo baxa goobaha codbixinta uu ahaa mid hooseeya, sababtuna waxay ahayd dadka oo hubey guusha kooxda “Haa” oo si wadajir ah u teegeereen labbada xisbiba, balse waxaa jira koox xagjir ah oo xisbiga talada haya kamid ah oo kasoo horjeeda meelmarinta waxkabadalka dastuurka oo dadka ugu baaqaya in ay ku codeeyaan “Maya”. Illaa iyo 400 kun oo qof ayaa is diiwaangaliyey, 26 saac gudahood ayay tahay in lagu dhawaaqo natiijada oo ka bilaabanaysa marka ay goobah xirmaan.



4 maalmood kadib dalka dariska la ah ee Kenya waxaa iyana loo dareerayaa afti dastuur cusub lagu qaadanayo, aftidaasi Soomaalida iyo islaamka ayaa qeyb muhiim ah ka ah moowduucyada lagu xarbinayo.



1.2 milyan oo dad ah ayaa ku nool jasiiradani oo wada islaam ah, kadib xasilooni raagtey ayaa haatan wixii muran siyaasadeed ah ee jirey lagu xalinayaa afti caam ah, weeydiinta waxay tahay “ma jiraan wax ay tahay in aan kaga dayano Zanzibar haddii aan nahay Soomaaliya ?”  weeydiintaasi ayay tahay waxa ugu muhiimsan ee naga quseeya aftidani oo ay tahay in aan u danayno wax ka ogaanshaheeda.



Dabcan haddii ay raqiis kula tahay ku dayashada dal yar oo dariskeena ah, ma filayo in ay jiraan wax Soomaaliya looga deydo oo ay tahay in aad u sheegto qoysaska ku jira Wakaalada Biyaha ee Isbitaal Banaadir agtiisa ah si ay ugu laabtaan dalkooda.











KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Yoolku waa Hobyo
  Sheekha ducadii laga aqbalay
  Askar Ugandhiis ah lagu laayay madaxtooyada
  Xamar iyo Badartii Makka
  Baarlamaanka beeylahda ah


Xayeesiis 25x250