WARLUGEED: Dalkii Soomaaliya waa NABAD ee maxaa la raadinayaa???? KN: Gobolada Koonfurta Soomaaliya ee kala ah: Jubbadda Hoose, J/Dhexe, Sh/Hoose, Sh/Dhexe, Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiraan waxaa si buuxda gacanta ugu haya Xoogaga Muqaawamada oo waa nabad, gobolada Galguduud iyo Banaadir qaybay gacanta ku hayaan oo waa nabad iyaguna. Yaa haddaba nabada diidan? Yaa shareecada diidan?
Quraanka Kariimka ee ay Soomaalidu rumaysan tahay 100% ayaa wuxuu ku celceliyaa “FA’ANNAA YU’FAKUUNA”. Aayadan micnaheedu waxaa weeye “Sidee Xaqa looga indha saabay”. Haddaba aayadani waxaad moodaa inay asbuucan soo dagtay! Bal u fiirso xaalladan:
8 Gobol oo Muqaawamadu ka taliso iyo 2 Gobol oo ay badh ka taliyaan
Dalka Soomaaliya Koonfurteeda laga soo bilaabo gobolada dhexe ilaa Dhoobley waa dhulka ah: Jubbadda Hoose, Jubbadda Dhexe, Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe, Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiraan waxaa gacanta ku haya Ciidamada Islaamka marka laga reebo Xaafado Muqdisho ah oo ay joogaan ciidamada Macatab ku Dirirka AMISOM iyo koox ah hadhaadigii xukuumadii C/Laahi Yuusuf. Waa 99.99% dalka Soomaaliya. Haweenka markay gobolada dhexe kasoo baxaan waxay Garissa tagaan iyaga oo dahabkoodii dhuunta iyo jijimaha ku qaba!
Ogsoonow dalkani marka laga reebo 6dii bilood ee Maxaakimta 2006dii waa markii ay u nabad badnayd Soomaaliya. Aduunka oo dhammi wuxuu isku waafaqsan yahay in Soomaaliya dhibaatadii u waynayd ee ka jiri jirtay ay ahayd Nabad galyo daro. Malaayuunta Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah wadamada aduunka waxay sheegteen inay ka soo carareen nabad galyo daro!
Haddii Nabadii la Sugay Maxaa la Raadinayaa?
Aan usoo daadago ujeedadee, haddii nabad galyadii la sugay oo rag dhiigiisa, maalkiisa iyo wakhtigiisa u huray maxaa loo ictiraafi la’yahay nabadaas. Jawaabtu waxaa weeye “WAA ISLAAM NACAYB”. Gaalladu waxay isku waafaqsan yihiin inaan shareeco aduunka meel ka mid ah lagu maamulin. Jenday Fraser ayaa laga soo xigtay inay tidhi “These guys brought
Tusaale hadaan usoo qaadano Muqdisho waxaa xataa nabad keeni waayay 135 000 askari oo UNISOM ahaa oo dib u furi waayay garoonka iyo dekeda, waxaa nabad keeni waayay Caydiid, Cali Mahdi, C/Qaasim, waxaa nabad keeni keenay C/Laahi Yuusuf, Geedi iyo Nuur Cadde iyo kuwa la midka ahaa. Waxaa nabad keenay wiilal yar-yar oo XUFAAD ah oo Mujaahidiin Ilaahay yaqaana oo mabaadii’ cad-cad wata. Waa mabaadii\\\\\\\\\\\\\\\' aan aqoonin Dir iyo Daarood midna ee Illaahay taqaana; qofkii qof dila waa la dilayaa, kii wax xada gacantaa la goynayaa iwm. Waa mabaadii\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\' uu Illaahayga dadka samaystay usoo dajiyay dadka.
Warshadu marka ay baabuur samayso waxay raacisaa buug laga akhriyo sidii loo wadi lahaa ama loo dayac tiri lahaa. Illaahay aduunkan ayuu buugan Quraanka ah soo raaciyay isaga ayaana ka yaqaana cid walba waxa ku haboon. Soomaalida wuu mari waayay mabda\\\\\\\\\\\\\\\' kale. Shuuciyad, Dimoqraatiyad, Qabyaalad, Dir iyo Daarood oo la isu laayay waxaasoo dhammi xal keeni waaye. Dhalinyarada Xufaada ah ayuu jeebabkooda galay.
Baroortu orgiga ka wayn
Waxaan shaki ku jirin in kasta oo durbaan la garaaco oo dadka lagu kiciyo qabyaalad iyo waryaa reer hebel ahay inayna xaallada Soomaaliya waxba ka badalaynin illaa oo mabaadii’da Islaamka la qotomiyo.
Adigu akhristow sanamyada laga caabudi jiray Soomaaliya ee Daarood iyo Hawiye iyo Raxanwayn ka mid yihiin ma nabad baad ka sugi iyo in la isku kalsoonaado???? Meeqa sanadood ayaa qolloba qolada kale laysay. Miyaynaan ahayn DAALIM iyo MADLUUM miidhan? Ma cidbaa ku guulaysatay umulo dooxii iyo is deegaan riixii dhacay?
Sheekh ka mid ahaa culimadii hogaaminaysay kacaankii Maxaakimta ayaa maalin masaajid ka hadlay markaasuu Soomaalida ka codsaday in Kitaabka Quraanka ah fursad la siiyo 2 sano ah. Wuxuu yidhi haddii aad barwaaqo u dhimman waydaan waynu gubaynaa Kitaabka Quraanka ah oo dhan ee dalka Soomaaliya yaalla. 6 bilood ayaa barwaaqo loo rogman gaadhay intii aan mu\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\\'aamarada Macatab ku Dirirku soo abaabulin. Waxaa lagu maahmaahaa \\\\\\\\\\\\\\\"Alla maxaa caawa uga eg Habeen hore\\\\\\\\\\\\\\\". Sidii ayaan Nabad iyo Cadaalad ugu baahannahay.
Ma Indha La\\\\\\\\\\\\\\\'dahay adigu?
Haddaba haddii aan XAQA LAGAA INDHA SAABIN sida uu Quraanku ku nuux-nuuxsado ma aragtaa xaqiiqada dhulka taalla ee ah dalkii Soomaaliya qaybtiisa Koonfureed ee ugu dhibaato badnayd oo nabad iyo cadaalad laga oogay? Mase aragtaa sheeko baralayda ah kolba qolo cusub loo soo dhiibayo ee haatana cumaamada loo soo xidhay loona soo dhiibay rag Mujaahidiin hore ahaa oo laakiin shakiyay. Nabadii sugantaye maxaa la day-dayayaa tollow? Waxaan la arki karin wadaad iyo shareeco.
Rajo Wanaagsan
Cadowgii ummadda iyo shareecadu wuu fashilan yahay. Waxaa burburay dhaqaalihiisii iyo macnawiyaadkisii kale. Sababta kaliya ee ay u sii nool yihiin waxaa weeye inay lahaayeen markii hore awood laxaad leh oo xididada dhaadheer ku taagan iyo iyo inay aduunka kale oo dhan gummeeyeen oo aan cidina isku taagaynin. Haddaba ururadan Muslimka ah ee Dhaalibaan, Xamaas, Xisbullaah iyo Muqaawamada Soomaalidu waxay geesaha u dhigeen cadowgii ummadda iyo shareecada oo haatan ku jira xaalad jah wareer ah.
Ismaaciil Mirre wuxuu yidhi:
Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma galin wiilalbaa keebka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Dawladii waynayd ee Maraykanka ee ay ku nool yihiin dadka aduunka ugu cunsurisan oo aaminsanaa ilaa 1964tii in qofka Madow uusan ahayn bani\\\\\\\\\\\\\\\'aadam ee uu 60% daanyeer yahay ayaa waxay doorteen Barack Obama oo kaliya u sheegay in dhibaatada haysata ka saarayo. Naf la caarinimo ayay u doorteen wayna iloobeen in ninku madoobaa. Soomaalidu waxay tidhaahda Kani Galbay Ku Kale Mooyee, Kani Galbay waa Guul Allee.
Maanta WAR LUGEED halkaas haynoo joogo.
| LA XIRIIRA |
| Raadaar: Madoobe “Nuunuu” Afka suubso |
| Xuuraan: Nabadda waa badeecatul caajis |
| Waamo Johannesburg ka waliimeyso |
| Xuuraan: Rati macsaro dhalinaya |
| Xuuraan: Koob Asayle |