Sharmaarke oo dawladda Kenya u sixiixay inay qaadato qayb ka mid ah biyaha xeebta Soomaaliya

Published: 4 April 2009
KN:Ra’iisul wasaaraha DKMG Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa dawladda Kenya u sixiixay qayb ka mid ah biyaha Raaskambooni taasoo ay mudaba ka socdeen qodista ceel shidaal oo ku yaalay dhinaca biyaha Soomaaliya.

Sharmaarke ayaa qalinka ku duugay inay dawladda Kenya soo durugsato soocdinta kala qaybisa biyaha labada dal, ayadoo dhinaca dawladda Kenyana uu heshiiska u saxiixay wasiirkooda arimaha dibadda Moses Wentangula.


Ceelka shidaalka oo lagu magacaabo Block L.5 ayaa wuxuu dhacaa meel ku aadan magaalada Raaskaambooni balse aad uga fog bariga, waxaana la aaminsanyahay inuu xiligan ku dhawyahay gabogabo.


Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in DKMG iyo dawladda Kenya ay kala sixiixdeen heshiis kan ka horeeyay oo ku saabsanaa saamiga ay DKMG ka qaadanayso ceelka shidaalka, waxaana arintaasi sii fashiliyay kadib markii Maamul Gobolleedka Puntland uu qaadacay heshiiskaas ooy sheegeen inuusan ayaga khuseyn.


Xubno ka mid ah DKMG ayaa heshiiska saami qaybsiga u fasilay inuusan heshiisku ku saabsanayn shidaal ee ujeedku ahaa inay Kenya u soo canshuurto maraakiibta iyo doomaha ku soo jeeda Soomaaliya taasoo sida aynu ognahay ay bilcagsigeeda Soomaaliya soo maraan dhamaan maraakiibta iyo doomaha u socday Kenya.


Soo shaac bixista heshiiska ka tanaasulka qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya ayaa ka danbaysay ku qasbanaanshaha dawladda Kenya inay heshiiska hor gayso Qaramada Midoobay, waxaana la filayaa inay maalmaha ina soo aadan horgayn doonto Q.M si ay u xalaalaysato biyaha laga qodayo ceelka Block L.5.


Heshiiskani wuxuu kamid yahay heshiisyo badan oo lagu boobayo dhulka iyo kheyraadka Soomaaliyeed kuwaasi ooy kala sixiixeen dawladda Sheekh Shariif iyo dawladdii ka horaysay ee Cabdullahi Yuusuf.


KismaayoNews ayaa sanadkii 2007 faafisay macluumaad badan oo ku saabsan damaca guran ee dawladda Kenya iyo Maraykanku ku xaalaysan rabaan ceelka shidaalka iyo waliba keydka shidaal ee ku duugan ceelkaas. Sawirka kore waxaad kaga bogan kartaa inaad fikir guud ka qaadato halka uu ceelku dhaco.


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Sh. Axmed Madoobe oo diidey in uu Alshabaab la heshiiyo
  Jaad iyo Afgooye, waa 10 jeedal
  Dagaalo tijaabo ah oo xalay saqdhexe ka dhacay Xamar
  Kenya “waa been warkaasi”
  Shacabka Jubooyinka oo loo sheegey “Hubkiina qaata oo jihaada”