Xuseen wuxuu gabaygan tirintiisa gocdey horraantii 2008, wuuse ka wahsaday inuu dhammaystiro. Laakiin billowgii bisha November 2008, ka dib markii la weydiiyey maxay dawlad Soomaaliyeed u cago-dhigan la’dahay ayuu ebyey. Wuxuu abwaanku joogay magaalo madaxda Suudaan ee Khartoum, wuxuuna ku halqabsaday Axmed-jaalle oo ah nin Soomaalinimadu aad ula weyn tahay saaxiibona ay yihiin. Wuxuu yidhi:
· Axmedow da’duba waa aqoon, naga dahsooneyde
· Dawaaraha dabayshiyo xilliga, falagga duuflaalsha
· Cimilada isdoordoorisiyo, bii’adiyo daaqa
· Dirirkiyo daruuraha cirkaa, loo da’tirinaayo
· Ma deggana duruufaha naflaha, doojiyee haga’e
· Diraac iyo abaar kugu duntuu, doog bedelayaaye
· Nin dagaag ahaan jirey hadduu, duunyo buux yahaye
· Didmadiyo colaadaha adoo, shalayto daw jiidhey
· Dariskiyo degaankoo nabdaa, daaqan kuu xigiye
· Waa duruus adduunyadan degdegi, laga dabqaataaye
· Dalmareen waxaa badan daalacdiyo, duq iyo waayeelka
· Kama durugto dulucdii murtida, dood markay tahay
· Wax badanoo durduradii yaraan, iga dabayl raacey
· Dib-u-qoomamayskii haddaan, dibinta ruugaaye
· Haddii aan qof iga doojiyiyo, helo cid dooneysa
· Maantey da’deydiyo khibradu, daawo dhalayaane
· Maantuu wixii iga dadnaa, daahir ii yahaye
· Maandhow dad badanoo murtida, dihanayoo buuxa
· Waxaan ooga soo dudey waxaan, adiga kuu doortey
· Dagaalyahan dadaal badan inaad, tahay nimaan daalin
· Dabcigiyo anoo garan dadnimo, waxaad ku daaweyso
· Dudadiyo deegaankiyo dhalyaha, daris wadaageenna
· Anigoo docdaa kama madhnee, xeerin danaheeda??
· Inaad tahay nin dulucdooda garan, ereyadaan duubo
· Oo gabayga daalacan karaan, kuu danniyaaye
· Duuduubka Soomaaliyeed, ceebta nagu daahan
· Dacda iyo waxaa digada dhigay, dawladnimadeena
· Dulmarkeeda duugtii murtida, maanso dulucdeeda
· U duuflaali Doolliyo ciddii, gabay daneynaysa
· Cid u diirnaxaysaa shacbigan, diiftu ku abaadey
· Cid damqani haddaad garan, cid uun xumaha diideysa
· Dawiyoo u gee maansadaa, ha isku duubmeene
· Dawlad li’ Soomaalidu intay, dala dhacyeyneysey
· Inta ay dagaag iyo qax iyo, dacati luufluuftay
· Waa labaatan deyrood intuu, dhiig ka da’yaaye
· Allahayow dahaadh aakhariyo, dunida guudkeeda
· Mid inaad ku deysey ahayd, labada daaroode
· Dulalaati dhexe waayadaa, daw ka lulataaye
· Haddii adan inay dabar go’aan, looxa ugu duugin
· Mar uun baad ka sii deyn lahayd, dabinka haystaaye
· Danbi ay galeen baa mindhaa, loo daldalayaaye
· Dunidiyo dadaalkii wax badan, uunku nagu daalay
· Marna xoog xitaa lagu dayee, daawo dhalin waayey
· Wixii shirar naloo dumey wixii, darisku noo yeedhay
· Wixii xeer dib loo qorey wixii, doodda lagu xiiqey
· Dawlad been ah iyo duul shacbigu, diidan yahay xooggi
· Wixii loo durbaan tumay wixii, duubka lagu gaarey
· Isma doorsho kii laga dajiyo, kii darraad yimide
· Kooxdii la doortaba bulshada , wawga darayeene
· Halkii bay durraaqdaa hashii, dacasha weyneyde
· Iyadoo daldalan oo miskaha, doogi kaga taallo
· Iyadoo waraabihi dabxaday, qaarba dacal haysto
· Ma dirgane dulkii bay cillaan, dagal dhabaysaaye
· Xalaan daawo loo haynin iyo, dulucdu waa quuse
· Ka dareer dadyowgii kaloo, deyrshe aadmiguye
· Iyaguna ma doorsoomayaan, waa dadkaa rogane
· Inay doc isku raacaan la waa, beel isdiidaniye
· Dirkey tahayba Soomaalidii, dabargo’weeyaane
· Markay daacaddii dhimatay bay, dagantay maandeeqe
· Anna maasha lay daday halkay, daarran tahay iintu
· Aan dillaacsho duulkii wax garan, ha ila duubteene
· Nabad-doon da’dii talin jirtiyo, duubcad iyo caaqil
· Duqaydii dabkaa ololayaa, damin lahaa maanta
· Raggii boogta daaweyn jiriyo, madhay nin doorkiiye
· Doqon iyo dilaa baa dhulkii, loogu dawgalaye
· Waa dayday nimankaa xukuma, dawladahan baase
· Dawarsiga wasiirkaa baryada, dibadda meereysta
· Ee galin Hoteeluu degiyo, daafida u ooman
· Ee aan damiir kale lahayn, qaranna dooneynin
· Inta uu danjiraheeda yahay, daawo laga dhawri
· Durugtaye sidey dawladnimo, dib ugu soo laaban
· Dal aqoonta loo deyriyoo, laysku dacareeyey
· In ditoor hoggaanshiyo dalkaa, Khubaro loo diidey
· Warlord damiiniyo dalkaa, daadufku horjoogo
· Dabadhilif Axmaariyo wataa, mudatay daaduune
· Dabaqoodhi weeyaan raggaa, diiradow side e
· Dibbataye sidey dawladnimo, dib ugu soo laaban
· Da’yartaa dagaalada ku korey, duullankiyo boobka
· Ee aan dugsina maalin tagin, deelna garanaynin
· Dooxatada da’daa naga ba’diyo, diiratada waalan
· Ee aan dalkoo nabada arag, dirirtan mooyeene
· Dabka iyo intay wali sidaan, danabka baaruudda
· Dibbataye sidey dawladnimo, dib ugu soo laaban
· Dibjirkaa dekedihii qabsaday, daarihiyo fooqa
· Dad la dhaco intaa uu dulmiga, moodi danahiisa
· Inta uu sharciga diidan yahay, doorashiyo maamul
· Ee uu dareen culus ka qabo, dib-u-heshiisiinta
· Intaan daawo loo hayn intaan, danihii loo oofin
· Isna uu dabbaabbaad-midfaca, dariska guulaayo
· Durugtaye sidey dawladnimo, dib ugu soo laaban
· Digarogasho daa iyo inay, dul u hayaamaane
· Maantey libaax labadi daan, dalaq ku siiyeene
· Maantey wedkii dili lahaa, daawo bidayaane
· Dulliguu gumeystuhu na baday, dacatiguu reebay
· Dawladaha dalkeenaa qoqoban, qaarba daraf haysta
· Ee wali digtoonaan ka qaba, aaya dirirkeena
· Kala daadsanaanteenu waa, guusha danahoode
· Dibindaabyo iyo waad ka fili, dalaw ka sii tuure
· Inay doog ku gaadhsiinayaan, damac ku xiisoodka
· Doqonkiyo dammanahaa ayiday, xeesha dabargoynta
· Intay qaranka daafida ku gadan, damac yaraantooda
· Dibbataye sidey dawladnimo, dib ugu soo laaban.
· Markii balo dalkii wada camima, na lagu soo daayo
· Nabaddoo dibawdiyo markii, darisku eedoobo
· Diintiyo Islaam buu ahaa, deyrka noo hadhaye
· Shuyuukhdii u duubneyd maslaxo, damisa aafaadka
· Deegaankii ka suul culummadii, daahirka ahayde
· Daalibaan gadh daafula leh iyo, daaduf baa yimide
· Duul waalan kureydaa dardaran, ee jinnigu duufshay
· Dabagaab wadaadkaa didmada, shaadhka kor u duubtay
· Oo daabka qoriguu hayiyo, dirir u soo xaytay
· Oon diir naxaa lagu ogeyn, waran-daf mooyeene
· Dad wadaaddo lagu sheegayoo, dili masaakiinta
· Oo dhiigga ay daadiyaan, kaba diqooneynin
· Inayn docina noo cayman bay, tahay daliilkeede
· Qof isdiley danbiyo naar ku mudey, diintu say tidhiye
· Cunug miino lagu duubay, oo dumiyey suuq buuxa
· Duq ma werin dalkana sooma marin, duulkan ka horow e
· Dakaniyo dilkii ruux muslima, nimanka diin moodi
· Da’da soo koreysiyo intay, dumarka aafeyni
· Durugtaye sidey dawladnimo, dib ugu soo laaban
F.G Waxaan gabaygan kasoo minguurinay Doollo.com waxaana ugu haynaa abaal badan aruurinta iyo daryeelka Suugaanta Soomaaliyeed.
KismaayoNews