Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Kenya oo ka galad sheegatay maamulka Islaamiga ah ee Jubbooyinka

Published: 30 April 2009

KN: Mas’uul sare oo dowlada Kenya ka tirsan ayaa iska fogeeyey hadalo la sheegey in isaga laga soo xigtey, wuxuu intaasi ku daray amaan iyo niyad wanaag uu ka muujiyey maamulka islaamiga ah ee Jubbooyinka.


Gudoomiyaha gobolka waqooyi Bari ee Soomaalidu degto ayaa ka hadlay arinta Alshabaab iyo maamulka islamiga ee Balad Xawo oo burcad xoolo ka dhacday u soo gacan galiyey Kenya.
 
Gudoomiyaha gobolka waqooyi bari oo shalay kula hadlay dadweyne farabadan hoteelka Nomad Palace ee magalada Garisa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal la sheegay in isaga laga soo xigtay oo sheegayey in gobolka waqooyi Bari lagu dhaqi rabo   sharecda islaamka, waxuuna sii raaciyey in eysan jirin cid katirsan alshbabaab oo isaga la soo xiriirtay.



Waxuu sheegay in Kenya iyo Somalia ay yihiin dad daris ah kana dhaxeyso daris wanaag mana jirto sabab ay Alshabaab ku soo weerarto kenya waxaana naga dhaxeeya maamulada soomlida wada shaqeyn ayuu ku daray gudoomiyaha.
 
Sheekada aha Alshabab baa kenya qabsan waxaa faafisay marki u horeysay jariirada THE PEOPLE waxuuna ooga digay gudoomiyaha saxaafada in aysan dadka jahawareerinin iyo buun buuninta warar aan sal laheyn taas oo keeni karta daganaasho la,aan .
 
Dhinaca kale Maamulka Islaamiga ee Balad Xaawo ayaa 2 nin oo kenyan ahaa oo xoolo ka soo dhacay magaalada Mandera u gacan galiyey maamulka degmada Mandera. 2 da nin waxaa waheliyey nin kale oo reer Balad xawo oo isaga lagu hayo xabsiga magaalada Balad xawo ayaa waxay dhowr cisho ka hor ka soo dhaceen Mandera xoolo ari 5 neef halkaas oo 3 kamid aha ay ku qaleen Bald xawo halka 2 kale oo nool laga gaaray.Waxaana la filayaa in lagu maxkamadeeyo Mandera.


Cabdullaahi Sugaal, KismaayoNews, Nairobi


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Raadaar: Madoobe “Nuunuu” Afka suubso
  Xuuraan: Nabadda waa badeecatul caajis
  Waamo Johannesburg ka waliimeyso
  Xuuraan: Rati macsaro dhalinaya
  Xuuraan: Koob Asayle


Xayeesiis 25x250