KN: Dad badan oo rayid ah oo ku dhaawacma dagaalada Xamar ayaa dhiigbax u dhiman doona kadib marka ay shaqada joojiyaan gaadiidka gargaarka degdega ah oo ay soo foodsaartay dhibaato baaxad weyn
Waxay u muuqataa in maalinba maalinta ka dambeeysa kiyaawaha lagu sii dhuujinayo dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah, waxaa laga xayuubiyey xaq kasta oo ay u lahaayeen nolosha , dhibaateynta shacabka waxay gaartey xad aanan la qiyaasi karin.
Arrintu waa ay kasoo gudubtay in shacabka laga joojiyo xabadda, si ay ugu noolaadaan nolol caadi ah, waxay taagantahay in dadka loo ogolaado xaqqa ah in kuwa dagaalada ku dhaawacmay la geeyo isbitaalada, dawaynta halkeeda haba joogtee.
Dagaalada joogtada ee sida daran oga dhacaya meelaha ay shacabka degenyihiin iyo duqeynta aan kala joogsiga lahayn ee loo geysanayo guryaha rayidka waxaa ka dhasha qasaarooyin baaxad weyn oo xagga shacabka ah, inta dhimata mooyee waxaa markasta tirro dhaaf ah dadka dhaawacma kuwaasoo rajjo looga qabbo in ay ka kacaan dhaawaca oo ay nolosha dib u billaabaan.
Ma jirto cid soo hadal qaadaysa daweynta dadka, waa haddii ayba jirto wax dawo ah oo dadka ku fillan iyo adeeg caafimaad oo lugo adag ku taagan, waxaa kuwa dagaalamaya laga la’yahay in dadka dhaawacmay ay u ogolaadaan in la geyn karro goobaha caafimaad ee inaba ha yaraatee lagu tuhmayo wax daweyn ah xittaa irbad dhiig joojin ah ama kaniin xanuun baabi’iye ah.
Adeegani gaarsiinta dadka dhaawacmay isbitaalada waxaa qabta gaadiid kuwa gurmadka degdega ah oo samofal ah , qisada murugada huwan ee gaadiidkani ku saabsan ayaa ah in ay shaqadii joojinayaan kol dhow xilli la joogo markii loogu baahida badnaa.
Shaqaalaha gaadiidkani gurmadka degdaga ah ee badbaadinta ku haya qaranka dhiigbaxaya waa kuwa uu dooqu ku yaryahay, labbo midkood ayay tahay in ay kala doortaan , ama waa in gabi ahaanba shaqada joojiyaan ama loo ogolaado in ay si xoriyad leh shaqadooda u qabsadaan.
Tani waxay ka dambeeysay kadib markii dhibaateyn bartilmaameed ah lala beegsaday samofalayaashani Soomaaliyeed oo iyada oo xabadu dhacayso naftooda u hura in ay badbaadiyaan nolosha qof dhiigbaxaya.
Maalin ka hor waxaa si bareer ah loo toogtey mid ka mid ah wadayaasha gaadiidkani kadib markii ciidamada DKMG ah ay u maleegeen shirqool aanan ujeedkii la fahmeynin , taleefoonka ayaa laga soo wacay loona sheegey in qof dhaawac ah uu yaalo meel ka mid ah degmada Kaaraan, markii uu tagay goobtiina si uu u badbaadiyo nolosha qofkaasi waxaa loogu abaal gudey toogasho, halkii ayuuna ku dhintey, Cumar Maxamed Xabeeb meydkiisa waxaa lagu qaaday isla gaadiidka uu nafta dadka ku badbaadin jirrey.
Shalay jimcihii mas’uuliyiinta gaadiidkani ee hey’ada Amiin Voluntary oo saxaafada la hadlay ayaa kooxaha dagaalamaya ka codsaday in ay tixgaliyaan shaqada gaadiidka iyo safefalayaasha kaxeeynayaba, Dr. C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadan ayaa sheegey in gaadiidka uu yahay mid summad ama astaan gaar ah leh, isla markaasina bixiya dhawaaqa ambalaasyada lagu yaqaano oo ah mid aanan lagu qaldamaynin.
Markii ugu horeysey gaadiidkani waxa uu Xamar soo gaaray dabayaaqadii sanadkii hore, ka hor waxay dadka isticmaali jireen gaari gacamada , gaari dameerada iyo waliba gacmahooda iyagoo waldaaminaya qof dhaawaca ah si ay u gaarsiiyaan goobta caafimaad ee ugu dhow.
Dadkani samofalayaasha Soomaaliyeed ah haddii dhibaatada laga joojin waayo waxa ay ku qasbanaan doonaan in ay shaqada joojiyaan, gaadiidkana iska xareeyaan, taasi waxay keeneysaa in dadka ay markale ku qasbanaadaan gaari-gacanada oo qofka inta isbitaaalka loosii waddo uu dhiig bax u dhimanayo iyadoo ay jirri lahayd fursad lagu badbaadin karro naftiisa.
Tani waxay ka dhigantahay in dadka rayidka ah uu horyaalo dooq qaraar oo ah in ay kala doortaan Diin iyo Faras, gaar ahaan xili ay dadka naftooda la caarinayaan, sidaasi oo ay tahayna ma dalban karaan midka ay doonayaan maadaamaa aysan wax tallo ah gacanta ugu jirrin, kuwa talada hayana aysan wax ixtiraam ah u heeynin nolosha qofka bini’aadamka ah.
Isbitaalka dadka ugu badan la geeyo waa Madiina Hospital, waxaa gacanta ku haya maleeshiyaadka DKMG ah, waxaa taagan cabasho ka imanaysa gaadiidka gargaarka oo ah in ciidamadani ay joojiyaan dhibaateyn gaar ah oo ay ku hayaan adeegooda, waxay ka cabanayaan in baaritaan xoogan lagu sameeyo dadka dhaawacyada ah ee ay isbitaalka keenaan, iyadoo la weeydiiyo kuwa ay yihiin dadka ay wadaan iyadoo la baarayo bal in qof yahay dhanka muqaawamada iyo in kale, haddii taasi ay jirtana qofkaasi la geeynayo qeyb gaar ah oo isbitaalka ka tirsan, markaasi ayaan dad ugu wardambeeyneysa.
Dhanka muqaawamada iyana waxaa la sheegey in ay baaraan dadka ay gaadiidka wadaan iyagoo ogaanaya qofka uu yahay dhaawaca uu gaadiidka waddo haddii la ogaado in uu yahay askari ka tirsan DKMG ah waa la xabisayaa ama waxaa lagu sameeynayaa jir dil ama waa la’is raacinayaa, waxay ku xirantahay hadba sida uu halista ugu yahay iyaga.
Samofalayaashani waxay doonayaan in qofka kasta oo ay wadaan aanan sinaba looga hor istaagin in ay dhaawaca isbitaalka geeyaan, kadibna aanan qofkaasi looga daba tagin isbitaalka.
| LA XIRIIRA |
| Raadaar: Madoobe “Nuunuu” Afka suubso |
| Xuuraan: Nabadda waa badeecatul caajis |
| Waamo Johannesburg ka waliimeyso |
| Xuuraan: Rati macsaro dhalinaya |
| Xuuraan: Koob Asayle |