40 tan oo hub oo nooc kasta leh, kuna jiraan madaafiic iyo hoobiyeyaal casri ah iyo qoryaha darandooriga u dhaca iyo waliba ookiyaalayaal habeenkii wax lagu arko ayaa waxaa DKMG ah u keeney Maraykanka, shixnadani hub ayaa waxaa keeney markab kusoo xirtey dekeda weyn.
Waxaa xigey dayuurad qaas ah oo siddey lacag cadaan ah oo lagu sheegey in ay ka badantahay $10 milyan oo doolar, lacagtani ayaa markiiba la bilaabay isticmaalkeeda iyadoo mushaar ahaan loo siinayo howlwadeenada dagaalka iyo maleeshiyaadka dowlada u dagaalamaya.
Ma ahan kuwa Xamar ka dagaalamaya oo kaliya dadka wax ka helaya hubka iyo lacagta ee sidoo kale waxaa qeyb ku leh maleeshiyaadka maxaakiimta ee Hiiraan iyo kuwa Ahlu Sunna ee gobolada dhexe.
Wali waxa ay dowlada ku mashquulsantahay kala qeeybinta iyo meeleynta hubka iyo lacagta, iyadoo gorgortan kula jirta beelo ay dooneyso in ay lacag ku siiso la dagaalanka muqaawamada .
Kadib waxaa la filayaa in ay qaado dagaalo qorsheysan oo ay la gasho xoogaga muqaawamada.
Maraykanka horey ayuu lacag malaayiin doolar ah ku bixiyey sidani oo kale sanadii 2005tii xiligaasi oo uu siiyey hogamaye kooxeedyadii arxanka darnaa si ay ula dagaalaan waxa uu ugu yereo argagixisada, waxaa xusid mudan in lacagtaasi dadkii loo adeegsaday uu madax u ahaa Shariif SH. Axmed oo ah madaxweynaha dowlada hadda lacagtani la siinayo iyadoo ujeedku uu yahay isla kii shalay.
Ka hor intii aanan lacagtani iyo hubkani loo geeynin waxaa Shariifka taleefon kusoo wacday haweeneyda wasiirka arrimaha dibbada ka ah Maraykanka Hillary Clinton oo la sheegey in ay kala tashatay arrinta.
Maraykanka waxaa la sheegey in sidoo kale malaayiin kale uu siinayo dowlada
Xogtani waxaa warfidiyeeno
Dhanka muqaawamada wali
| LA XIRIIRA |
| Raadaar: Madoobe “Nuunuu” Afka suubso |
| Xuuraan: Nabadda waa badeecatul caajis |
| Waamo Johannesburg ka waliimeyso |
| Xuuraan: Rati macsaro dhalinaya |
| Xuuraan: Koob Asayle |