Akaadamiyadda Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA) oo hogaan cusub loo doortay
Kn: Akaadamiyadda Waxbarashada iyo Cilmi-baadhis (Education and Research Academy) ayaa loo doortay hogaan cusub oo shaqayndoona muddo laba sano ah kadib markii Hotel Hadhwanaag ay isugu yimaaddeen xubnaha guud ee Akaadamiyaddu maalintii Jimcihii oo taariikhdu ahayd 02/09/2011, halkaas oo ay ku doorteen guddida fulinta ee cusub maadaama guddidii fulinta ee hore wakhtigoodii dhamaaday.
ONLF oo sheegtey in ay weerar ku dishey 25 askar Ethiopia ah
Kn: Jabhadda xoreynta Ogaden ayaa sheegtey in ay weerar gaadmo ah ku dishey illaa 25 askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tabobar ee militariga Ethiopia.
Axmed Daaci, ma daacadbaa?
Kn: Waa gudoomiyaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir , Axmed Xassan Caddoow oo ku magic dheer Axmed Daaci , waxa uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Xamar ka talin jirey, isagoo olog la ahaa Muuse Suudi Yalaxoow.
Dilkii Taliyaha Daraawiishta kadib, ciidamada Puntland oo ka baxay Garsoor
Kn: Wararka ka imanaya Gaalkacayo waxa ay sheegayaan in xaafadda Garsoor ay la wareegeen maleeshiyo beeleedyo halkaasi kula dagaalamayay ciidamada Puntland kadib markii maanta toogasho lagu diley taliyihii ciidamada Daraawiishta Maxamed Muuse.
Gaalkacayo oo isu diyaarinaysa inay dhaxasho Muqdisho
Kn:Maalinkii labadaad ayaa dagaal ba`an wuxuu ka socdaa gudaha magaalada Gaalkacayo ayadoo la isu adeegsadanayo dhamaanba hubka noocyadiisa kala duwan ee gacanta ugu jira labada dhinac ee halkaasi ku hardamaya.
Shirar ka socda Dhoobleey
Kn:Shalay waxaa Dhoobleey ka dhacay laba kulan oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha nabadeynta iyo Siyaasadda ee beelaha Sade iyo Kuumade, kuwaasi oo maalmo soo gaaray magaalada kadib markay ka soo kicitimeen Nairobi.
. 900 askari oo tabobar loogu xirey Uganda
Kn: Wasiirka gaashaandhigga DKMG ah ayaa ka qeybgalay xaflad tabobar ciidan loogu xirayay ku dhawaad kun askari oo Soomaaliyeed dalka Uganda
Ma shabaab ayaa Gaalkacayo weeraray?
Kn:Iska hor imaad khaare dhaliyay ayaa maanta Gaalkacayo ku dhex maray ciidamada amaanka ee Puntland iyo maleeshiyo hubaysan.
Xafiisyada Ra`iisul wasaaraha iyo Madaxwaynaha oo qaabilay wafuud caalami ah.
Kn:Ku simaha xafiiska Ra`iisul wasaaraha ahna Ra`iisul wasaare ku xigeenka koobaad, Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ayaa qaabilay wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dalka Sweden taasi oo ahayd haweenay lagu magacaabo Gunnilla Carlsson.
Barnaamijka Murti Gaaban
Kn:Barnaamijka Murti Gaaban waa barnaamij cusub oon ugu talo galnay inaan idiinku soo gudbino sheeko murtiyeedyo, maahmaaho, suugaan iyo waxa la halmaalo oo micne u samaynaya ama taabanaya xaaladda ay bulshadeenu ku sugantahay.
Soomaalida iyo dhamaadkii bisha barakaysan
Kn:Ayadoo shalay inta badan laga ciiday dunida Muslimka ayaa Soomaalida ku kala firirsan daafaha caalamka waxay ciidani u saamaysay siyaabo kala duwan.
Nin kaligiis ku qarxay agagaarka masaajidkii Muuse Boqor
Kn: Guri ku yaala agagaarka masaajidka Muuse Boqor ee caasimadda ayaa lagu soo waramayaa in nin halkaasi ku maleegeyey qaraxyo lala eegto bartilmaameedyo dowladda iyo AMISOM ah uu kaligiis ku dhintey qaraxaasi.
Ciid wanaagsan dhamaantiin meel kasta ood dunida ka joogtaan
Kn: Maamulka iyo shaqaalaha shabakadda KismaayoNews waxay idin leedahay ciid Mubaarak meel kasta ood dunida ka joogtaan iyo marxalad kasta ood ku sugantihiin.
Col. Cabaas oo ciidamadiisa kala baxay Dhoobleey
Kn: Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Col. Cabaas oo ka mid ah ciidamada dowladda ee ku sugnaa Dhoobleey uu halkaasi ka goostey isaga iyo ciidamo uu horkacayo.
Fariin ka timid Hotel Waamo Johannesburg
Kn: Mulkiilayaasha maqaayadda Waamo Johannesburg waxa ay dhamaan macaamiishooda sharafta badan leeyihiin “Ciid Mubaarak”, marka xiga waxa halkan ugu soo gudbinayaan fariin gaar ah.
Kaambooniyiinta oo talaabooyin horay u qaaday
Kn:Xarakada Kaambooni oo ciidamo wadaag ah ay gacanta ku wada hayaan magaalada Dhoobleey ayaa qaaday talaabooyin lagu micneeyay laba kacleyn.
FIIDSOOH: Sheekadii dameerka
Kn: Goorma kuugu dambeeysey in aad qososho?, tan iyo intii ay macaluusha ka dilaacday Soomaaliya dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ma helin sababo badan oo ay ku dhoola cadeeyaan.
Sargaal lagu khaarajiyay Garoowe
Kn:Kooxo gafuurka soo duubtay ayaa khaarajiyay sargaal horay uga tirsanaan jiray ciidamada sirdoonka Puntland ee loo yaqaano PS.
Xamar oo dadka lagu goowracayo
Kn: Bil ka yar ayaa laga joogaa tan iyo intii ay Alshabaab ka baxday magaalada caasimadda ah ee Xamar, laakiin wax lagu tilmaamay talaabo Shabaab ay ku muujinayaan in ay wlai magaalada ku suganyihiin ayaa la sheegey in labadii todobaad ee lasoo dhaafay magaalada lagu goowracay wax ka badan 10 qof.
Midowga Afrika oo bareejeeyay wadamada Islaamka
Kn: Shirkii wadama Afrikaanka ee Adis Ababa ka socday ayaa ku soo dhamaaday yabooha aduun dhan 350 malyuun oo doolarka Maraykanka, taasi oo malaha ay ku bareejaynayeen kii wadamada Islaamka ee Istambul.
Xaakimkii maxkamadda Racfaanka Laascaanood oo la xukumey racfaan la’aan
Kn: Wuxuu ahaa xaakimka maxkamada racfaanka maxkamada Laascaanood oo hoostagta maamulka Somaliland, laakiin Cabdirishiid Cabdullaahi maanta maxkamad Garoowe ku taala ayaa ku xukuntey 10 sanno oo xarig oo aan racfaan lahayn.
Golaha wasiirada oo amray in la qaado isbaarooyinka caasimadda
Kn: Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xuquuqul Insaanka, arrimaha Amniga, iyo arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo.
Diyaaradaha gargaarka geeya Muqdisho oo laga qaado lacago baad ah
Kn:Ayadoo ay DKMG shaacisay inaan wax canshuur ah laga qaadayn diyaaraha gargaarka u sida dadka tabaalaysan ayaa waxaa soo baxayo eedaymo iyo cabashooyin sheegaya in garoonka Aadan Cadde diyaaradaha lagaga qaado lacago baad ah.
Jubbooyinka oo ay macaluul ka dilaacday
Kn: Qaramada Midoobey ayaa manta shaacisey in Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ay ku dhufanayso macaluul, laguna darayo liiska gobolada ay macaluusha ku dhufatay.
Beesha reer Qaasim ee Ijaaraa oo maamul samaysatay
Jaaliyadda kasoo jeeda degmada Ijaaraa ee gobolka Waqooyi bari, gaar ahaan beesha reer Qaasim ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Alice ee dalka Koonfur Afrika waxa ay ku samaysteen maamul.
Wasiirka Arimaha dibadda Iran oo muqdisho yimid
Kn:Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Iran, Dr. Cali Akbar Salehi oo Muqdisho soo gaaray ayaa soo kormeeray isbitaalada iyo xerooyinka ay ku jiraan dadka tabaalaysan, kadibna shir la qaatay Ra`iisul wasaaraha DKMG, Dr. Cabdiwali.
Labada Halyeey, midbaa haray
Kn: Yuusuf Xassan Indhagamuun iyo Ibraahim Maxamed (Johny) waxa ay noqdeen foolka dhiiranaanta malaayiin Soomaali ah oo Kenya ku nool, gaar ahaan caasimadda Nairobi oo noqotey ardaa Soomaalida lagu bahdilo.
Colaado kasoo cusboonaaday J/Hoose iyo Gedo
Kn: Xiisado dagaal ayaa maalintii labaad ka taagan deegaano isu dhow oo ka kala tirsan goboladda Jubbada Hoose iyo Gedo, iyadoo ugu yaraan shalay dagaal ka dhacay Buusaar uu geystey qasaaro laxaad leh.
Kenya iyo DKMG ah oo ka hadlay Azania iyo Kaambooni
Kn: Warbixin ay faafisey wakaaladda wararka Reuters ayaa si weyn loogu faaqidey arrimaha siyaasadda Jubbaland .
Taliyihii Saldhigga Ceerigaabo oo toogasho u dhintay
Kn:Taliyihii saldhigga Booliska ee Ceerigaabo, Jaamac Garmaqaate ayaa u dhintay rasaas uu ku furay mid kamid ah ilaalada saldhigga.
Keynaan Cabdi Warsame oo soo gaaray Muqdisho
Kn: Fanaanka caanka ah ee Keynaan Cabdi Warsame iyo qaar kamid ah fanaaniinta ay wada heesaan ayaa maanta ka soo degay garoonka caalamiga ee Aadan Cadde.
Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wafdigii kulanka Amniga ee Naivasha
Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan gaar ah la qaatay wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeybgalay kulankii socday muddo 4 maalmood ah oo looga arrinsanayey Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka
Faarax Dawaare oo booqday Dhoobleey
Kn:Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ee dalka Kenya Dr. Faarax Macalin Dawaare ayaa maanta socdaal kadis ah ku tagay degmada Dhoobleey oo ay ku suganyihiin ciidamada huwanta.
Dagaal ka dhacay degmada Ceelwaaq
Kn:Dagaal ba`an ayaa maanta ka qarxay deegaanka Buusaar ee degmada Ceelwaaq kaasi oo u dhexeeyay xarakada Alshabaab iyo Ciidamada DKMG.
Diyaaradaha duuliye la`aanta oo ku dhacday Xamar
Kn:Mid kamid ah diyaaradaha duuliye la`aanta hawada mushaaxa oo la sheegay inay lahaayeen ciidamada Badda ee dalka Maraykanka ayaa shalaytoole ku dhacday degmada Hodan ee caasimadda dalka, Muqdisho.
Dr. Cabdiwali oo daawooyin gaarsiiyay Isbitaal Banaadir
Kn: Ra`iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa galabta booqday Bukaanada ku jira Isbitalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir isaga oo maamulka Isbitaalkana ku wareejiyay deeq daawo ah
Gudoomiyaha midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho
Kn:Wafti oo hor boodayo gudoomiyaha midowga Afrika Jean Ping ayaa maanta ka soo gaaray caasimadda dalka, waxaana kulamo gooni gooni ah la qaateen madaxda ugu saraysa DKMG.
Sargaal ONLF ah oo maanta xerada qoxootiga IFO lagu dilay
KN:Sargaal sare oo ka tirsan ururka ONLF ayaa maanta lagu dilay xerada qoxootiga IFO ee ku taala waqooyi bari Kenya. Sargaalkan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Cabdi (Tiibaa) ayaa la sheegay in dhaawac culus oo soo gaaray uu markii danbe u geeriyooday.
Yusuf Xassan oo si rasmi ah ugu guulaystay doorashadii kursiga Kamukunji
KN:Yuusuf Xassan Cabdi (PNU) ayaa si rasmi ah ugu guulaystay doorashadii kursiga Kamukunji ee magaalada Nairobi. Hay,ada madaxa banaan ee doorashooyinka kenya IIEC oo dhawaan ku dhawaaqday natiijadan kama danbaysata ah ayaa sheegtay in mudane Yuusuf helay codad gaaraya 19 030, halka qofka ugusoo dhaw oo ah mudane Ibrahim Johny (ODM) uu helay 15 476 cod.
Wararkii u danbeeyey ee doorashada kursiga Kamukunji iyo natiijada oo la filayo caawa fiidkii
Kn:Iyadoo saaka niskii hore ay soo yeedhaysay wax is daba marin iyo eedaymo sheegaya musuqmaasuq iyo laaluush, ayaa waxaa dhamaan goobaha cod bixinta oo tiradoodu gaarayso 23 la soo dhoobay ciidamada booliska rasmiga ah iyo kuwa loo yaqaano AP, si ay u xaqiijiyaan in doorashadu u dhacdo si xaq ah.
Shacabka reer Kamukunji oo saaka u dareeray goobaha cod bixinta
Kn:Doorashadii kursiga kamukunji ee mudada la sugayay ayaa saaka si rasmi ah u bilaabaTay, iyadoo la arkayo shacabka deegaanka oo safaf dhaadheer ku jira goobaha codka laga dhiibto. 128,526 qof ayaa diiwaan gashan xaqna u leh inay maanta doortaan xildhibaankii baarlamaanka u matali lahaa.
Sh. Axmed Madoobe ”kabixitaanka Xamar, dhamaadkii Alshabaab”
Kn:Hogaamiyaha Xarakada Kaambooni, Sh. Axmed Madoobe oo waraysi dhinacyo badan taabanayay siiyay idaacadda VOA ayaa ku tilmaamay kabixitaankii Xarakada Alshabaab ee Muqdisho dhamaadkii kooxda.
Shirkii Istanbul oo looga yaboohay $ 350 milyan
Kn:Shirkii wadamada Islaamka ee ka socday Istambul oo soo gabagaboobay ayaa ku soo dhamaaday yabooha deeq lacageed oo gaaraysa 350 malyuun oo doolarka Maraykanka.
Warsaxaafadeed: Socdaalkii Burundi ee Shariif Sh. Axmed
Nuqul kamid ah warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha DKMG, Shariif Sh. Axmed oo soo gaaray KismaayoNews ayaa u qornaa sidan;
AMISON oo heshay guri qaraxyada lagu diyaariyo
Kn:Ciidamada Afrikaanka ee AMISON ayaa soo bandhigay hoy iyo gumacyo ay sheegeen in Xarakada Alshabaab u isticmaali jirtay diyaarinta falalka is qarxinta iyo dhigitaanka miinooyinka.
Â